Puntland

Askar katirsan PSF oo madaafiic ku garaacaysa meelaha ay ku dhuumanayaan Al-Shabaab ee kuyaala gudaha Buuraha Galgala. [Sawirka: Facebook/PSF]

Ciidamada Puntland iyo maleeshiyada Al-Shabaab oo madaafiic isku weydaarsaday buuraha Galgala

Garoowe-(Puntland Mirror) Ciidamada Puntland iyo maleeshiyada Al-Shabaab ayaa madaafiic isku weydaarsaday buuraha Galgala saakay oo Axad ah, sida ilo-wareedyo dhanka ammaanka ah ay u xaqiijiyeen warsidaha Puntland Mirror. Khasaaraha ka dhashay is weydaarsiga madaafiicda ayaan lo ogeyn ilaa iyo hadda. Puntland iyo Al-Shabaab ayaa ku dagaalamayay buuraha Galgala ee gobolka Bari tan iyo sanadkii 2010.

by January 7, 2018 0 comments Puntland, Somali News
Calamada Soomaaliya iyo Puntland ayaa suran wadada weyn ee Garoowe si loogu maamuuso imaanshaha madaxweynaha. [Xigashada Sawirka: Facebook/jamafarah]

Puntland oo isku diyaarinaysa soo dhaweynta Madaxweyne Farmaajo

Garoowe-(Puntland Mirror) Puntland ayaa isku diyaarinaysa soo dhaweynta Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo. Farmaajo ayay qorsheysantahay in uu Axada ku yimaado Puntland safarkiisii ugu horeeyay tan iyo makii uu noqday madaxwenaha Soomaaliya bishii Febaraayo ee sanadkii hore. Caasimada, Garoowe, calamada Soomaaliya iyo Puntland ayaa suran wadada weyn si loogu maamuuso imaanshaha madaxweynaha. Puntland ayaa ciidamo geyn doonta gudaha magaalada Garoowe si[Read More…]

by January 5, 2018 0 comments Puntland, Somali News
[sawirka:] Wasiirka Arrimaha Gudaha Soomaaliya ee xilka laga qaaday, Cabdi Faarax Siciid Juxa .

Juxa oo dib u dhigay safarkiisii Garoowe kadib markii Raysulwasaaruhu uu xilka ka qaaday

Muqdisho-(Puntland Mirror) Wasiirka Arrimaha Gudaha Soomaaliya, Cabdi Faarax Siciid Juxa ayaa dib u dhigay safarkiisii u qorsheysnaa in uu ku yimaado Garoowe, sida ilo-wareedyo ku dhow wasiirka ay u sheegeen warsidaha Puntland Mirror. Juxa ayey u qorsheysneyd in uu yimaado Garoowe maanta oo Khamiis ah, balse waxa uu joojiyay safarkiisii waxyar kadib markii Raysulwasaare Xasan Cali Khayre uu soo saaray[Read More…]

by January 4, 2018 0 comments Puntland, Somali News
Sawirka: Madaxweynaha dowladda federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Madaxweyne Farmaajo oo safar ku imaan doona Puntland

Garoowe-(Puntland Mirror) Madaxweynaha dowladda federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa dhawaan safar ku imaan doona magaalada Garoowe ee caasimada Puntland, sida ilo-wareedyo dowladda katirsan ay u xaqiijiyeen warsidaha Puntland Mirror. Soo dhaweynta Madaxweynaha Soomaaliya ayaa ka socota gudaha magaalada Garoowe. Inta uu joogo Garoowe, Madaxweyne Farmaajo ayaa la filayaa in uu ka qeybgali doono munaasabado ay kamidyihiin xarig ka jarka[Read More…]

by January 2, 2018 0 comments Puntland, Somali News
Sawirka: Madaxweyne Ku xigeenka Puntland Cabdixakiim Cumar Camay.

Madaxweyne ku xigeenka Puntland oo soo dhaweeyay xabad joojinta laga gaaray dagaalo ka dhacay deegaanada miyiga ee kuyaala xadka gobolada Nugaal iyo Sool

Garoowe-(Puntland Mirror) Madaxweyne ku xigeenka Puntland Cabdixakiim Cumar Camay ayaa soo dhaweeyay heshiiska xabad joojinta ah ee laga gaaray dagaal beeleedyo ka dhacay deegaanada Qorilay iyo Cagaare ee kuyaala xadka gobolada Nugaal iyo Sool. “Aad iyo aad baan u soo dhaweynayaa waana ku faraxsanahay in howshaas oo in muddo ah socotay ay hadda xaaladeedu meel fiican mareyso, waana ku hambalyeynayaa[Read More…]

by December 31, 2017 0 comments Puntland, Somali News
(Midig) Garaad Jaamac Garaad (Bidix) Islaan Bashiir Islaan Cabdule. [Xiashada Sawirka: Facebook/Hon. Ali Haji Warsame]

Heshiis xabad joojin ah oo laga gaaray dagaalo ka dhacay deegaanada miyiga ee kuyaala xadka gobolada Nugaal iyo Sool

Garoowe-(Puntland Mirror) Heshiis xabad joojin ah ayaa la gaaray oo u dhaxeeya beelaha ku dagaalamay deegaanada miyiga ee kuyaala xadka gobolada Nugaal iyo Sool, sida ilo-wareedyo katirsan odayaasha dhaqanka ay u sheegeen warsidaha Puntland Mirror. Garaad Jaamac Garaad Cali iyo Islaan Bashiir Islaan Cabdule ayaa hoggaaminaya wefdiga isimada ee heshiiska xabad joojinta ah kala dhex dhigtay labada dhinac. Sida ay[Read More…]

by December 30, 2017 0 comments Puntland, Somali News
File: The late Mohamed Yousuf Adan.

Sargaal katirsan ciidamada Daraawiishta Puntland oo lagu dilay Gaalkacyo

Gaalkacyo-(Puntland Mirror) Sargaal katirsan ciidamada Daraawiishta Puntland ayaa xalay fiidkii lagu dilay gudaha magaalada Gaalkacyo, sida ay Puntland Mirror u sheegeen masuuliyiin dowladda ah. Maxamed Yuusuf Aadan Qaaley ayaa niman baastoolado ku hubaysan ku toogteen xilli uu ku sii jeeday gurigiisa oo kuyaaala waqooyiga magaalada Gaalkacyo. Gacan ku dhiiglayaashii oo aan haybtooda la aqoon ayaa goobta ka baxsaday. Ma jirto[Read More…]

by December 27, 2017 0 comments Puntland, Somali News
Sawirka: Dagaalyahan katirsan ISIS oo jeedinaya hanjaabaad.

Maleeshiyada ISIS ee ku sugan Puntland oo ku hanjabay weeraro argagixiso inta lagu guda jiro dabaalegyada sanadka cusub

Boosaaso-(Puntland Mirror) Xagjiriinta ISIS ee ku sugan gudaha Puntland ayaa taageerayaashooda ugu baaqay in ay qaadaan weeraro argagixiso inta lagu guda jiro munaasabadaha loogu dabaaldegayo sanadka cusub. Muuqaal lagu baahiyay online-ka ayaa ISIS u jeedisay taageerayaasheeda in ay ugaarsadaan waxay ugu yeereen dadka aan Ilaah rumaysneyn, kaniisadaha iyo suuqyada. Muuqaalka dhexdiisa, ISIS kuma aysan xusin halka ay ku yaalaan meelaha[Read More…]

by December 26, 2017 0 comments Puntland, Somali News
Faroole oo ka hadlaya shir jaraaid oo uu ku qabtay Garoowe maanta oo Axad ah. [Xigashada Sawirka: Puntland Post]

Madaxweynihii hore ee Puntland oo dad weynaha Puntland ugu baaqay in ay taageeraan mashaariicda horumarineed ee ka socda gudaha gobolada

Garoowe-(Puntland Mirror) Madaxweynihii hore ee Puntland Cabdiraxmaan Maxamed Maxamuud Faroole ayaa dad weynaha reer Puntland ugu baaqay in ay taageeraan mashaariicda horumarineed ee ka socda gudaha gobolada Puntland. Faroole oo shir jaraaid ku qabtay maanta oo Axad ah gudaha Garowe ayaa soo hadal qaaday mashruuca balaarinta dekada Boosaaso iyo dhismaha wadada laamiga ah ee u dhaxeysa Garoowe iyo Eyl, oo[Read More…]

by December 24, 2017 0 comments Puntland, Somali News
Sawirka: Nin reer guuraa ah oo qori AK-47 ah sita.

Ugu yaraan 15 qof oo ku geeriyootay dagaal beeleed ka dhacay deegaanada miyiga ee kuyaala xadka gobolada Nugaal iyo Sool

Garoowe-(Puntland Mirror) Ugu yaraan 15 qof ayaa ku geeriyootay 20 kalena waa ay ku dhaawacmeen kadib markii maleeshiyo beeleedyo ay ku dagaalameen deegaanada miyiga ee kuyaala xadka gobolada Nugaal iyo Sool, sida uu sheegay qof dadka deegaanka ah. Dagaalka oo u dhaxeeya maleeshiyaad kasoo kala jeeda beel-hoosaadka Cumar Maxamuud iyo beesha Dhul-bahante ayaa ka bilaabmay deegaanada Cagaare iyo Qorilay asbuucii[Read More…]

by December 24, 2017 0 comments Puntland, Somali News
Scroll Up