Baarlamaanka DFS oo u codeeyay wax ka bedelka afar cutub oo dastuurka kamid ah

Golaha labada aqal ee baarlamanaka DFS oo ku gacantaagaya wax ka bedelka 4-ta cusub ee dastuurka. [Isha Sawirka: SNTV]

Muqdisho-(Puntland Mirror) Baarlamaanka Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa maanta oo Sabti ah cod aqlabiyad leh ku ansixiyay wax ka bedelka afar cutub oo kamid ah dastuurka kadib toddobaadyo ay dood ka yeesheen. Wax-ka-beddelka lagu sameeyay waxa ka mid ah habka hoggaaminta, in xisbiyada qaranka lagu soo koobo saddex, iyo in doorashada soo socota lagu saleeyo hal qof iyo hal cod.

Kulanka kooramka oo ay soo xaadirtay 254 mudane oo kala ah 212 xildhibaan oo golaha shacabka ah iyo 42 senator oo aqalka Sare ah, ma jirin cid diiday ama ka aamustay, sida uu ku dhawaaqay guddoomiyuhu baarlamaanka Shiikh Aadan Madoobe.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*