Isimada Puntland: baarlamaanka cusub waa in lagu soo dhiso hanaankii hore

Isimada oo akhrinaya war-saxaafadeedka. [Isha Sawirka: Facebook]

Garoowe-(Puntland Mirror) Isimada Puntland ayaa soo jeediyay in hanaanka doorashada ee baarlamaanka cusub lagu soo dhiso qaabkii hore ee odayaasha dhaqanka ay soo xuli jireen, sida ay ku sheegeen war-saxaafadeed ay soo saareen xalay kadib labo asbuuc oo shirar ay ku lahaayeen Garoowe.

Waxay sheegeen in aan laga gaari karin howlaha badan ee doorashada hal qof iyo hal cod u baahantahay marka la eego mudada yar ee ka harsan muddo xileedka dowladda uu hoggaamiyo Siciid Cabdullahi Deni.

Isimada ayaa sidoo kale soo jeediyay in doorashada ay ku qabsoonto xilligeeda oo ku beegan 8-da Janaayo 2024.

Waxa kale oo ay soo jeediyeen in dowladda soo socota ay qabato doorashooyinka goleyaasha dowladdaha hoose ee dhimanaa ee aan weli laga qaban doorashada hal qof iyo hal cod, iyadoo lagu qaban doono lix bilood gudahood oo ku eg 8-da June 2024.

Qaar kamid siyaasiyiinta mucaaradka ayaa soo dhaweeyay talo-soojedinta isimada Puntland ee ku aadan doorashooyinka lagu muransanyahay.

Dhanka kale, madaxtooyada Puntland ayaa soo saartay war-saxaafadeed u muuqda in uu jawaab u ahaa bayaanka isimada. Waxay ku sheegtay war-saxaafadeedka in dhammaan howlihii doorashada hal qof iyo hal cod la diyaariyay, qabashada waajibkeedana ay saarantay guddiga doorashada ee PEC.

Dabayaqadii October,  guddiga doorashada Puntland ayaa ku dhawaaqay in doorashada guddoonka baarlamaanka iyo tan madaxweynaha la qaban doono bisha February ee sanadka 2024-ka.

Mucaaradka oo ay ku jiraan ururka Mideeye oo ah kan ugu weyn ururada mucaaradka iyo siyaasiyiin madax banaan ayaa ka soo horjeeda hanaanka doorashada. Waxay ku eedeeyeen madaxweynaha xilka haya inuu isku dayay inuu muddo kororsi sameeyo oo uu doorashada ku maroorsado si uu mar kale ugu guuleysto.

About Abdi Omar Bile 749 Articles
An online journalist and editor, with a decade of experience covering security and business issues, Puntland and entire Somalia.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*