PEC oo soo saartay jadwalka doorashada xilli uu khilaaf xoogan ka jiro hanaanka doorashada

PEC oo u codaynaya jadwalka. [Isha Sawirka: PEC]

Garoowe-(Puntland Mirror) Guddiga doorashada Puntland ayaa ku dhawaaqay in doorashada guddoonka baarlamaanka iyo tan madaxweynaha la qaban doono bisha February ee sanadka 2024-ka, inkastoo uu jiro khilaaf ka dhashay qaabka doorashada soo socota, sida ay ku sheegeen war-saxaafadeed xalay ay soo saareen.

Jadwalka ayaa qorshuhu yahay in PEC ay horgayso fadhiga golaha baarlamaanka, sida ay ku sheegtay war-saxfaadeedkeeda.

Mucaaradka oo ay ku jiraan ururka Mideeye oo ah kan ugu weyn ururada mucaaradka iyo siyaasiyiin madax banaan ayaa ka soo horjeeda hanaanka doorashada. Waxay ku eedeeyeen madaxweynaha xilka haya inuu isku dayay inuu muddo kororsi sameeyo oo uu doorashada ku maroorsado si uu mar kale ugu guuleysto.

About Puntland Mirror 876 Articles
Puntland Mirror is a website news provider based in Puntland’s capital, Garowe, Somalia. Puntland Mirror is an independent online source providing you the latest update stories from Puntland, Somalia and around the World.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*