Mucaaradka Puntland oo isimada dhaqanka ugu baaqay in ay deg-deg u soo xulaan xildhibaanada

Shirka mucaaradka. [Isha Sawirka: Kilwe Media]

Garoowe-(Puntland Mirror) Siyaasiyiinta mucaardaka Puntland ayaa isimada ugu baaqay in ay soo xulaan xildhibaanada kahor 8-da Janaayo 2024, sida lagu sheegay war-murtiyeed kadib shir-labo maalmood mucaaradka Puntland uga socday beerta Arlo ee duleedka Garoowe.

“Shirku wuxuu isimada Puntland ugu baaqayaa in ay doorkoodii shariifka ahaa qaataan soona xulaan xubnihii baarlamaanka sida ugu dhakhsaha badan,” ayaa lagu yiri war-murtiyeedka.

Waxaa loolan ka taaganyahay qaabka doorashada soo socota. Madaxweynaha hadda talada haya, Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa doonaya in codka lagu qaado nidaamka xisbiyada badan, balse kooxaha mucaaradka ah ee Puntland ayaa baaqan kasoo horjeestay, sababtoo ah waxay aaminsan yihiin inay qayb ka tahay qorshe uu madaxweyne Deni ku doonayo inuu xilka ku kordhisto hal sanno, ama uu sameeyo abaabulo doorasho musuq-maasuq si uu xilka ugu sii haysto.

About Puntland Mirror 876 Articles
Puntland Mirror is a website news provider based in Puntland’s capital, Garowe, Somalia. Puntland Mirror is an independent online source providing you the latest update stories from Puntland, Somalia and around the World.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*