Hal qof oo shacab ah oo ku dhintay israsaasayn ka dhacday Garoowe

Barxada Garoowe. [Isha Sawirka: Facebook]

 Garoowe-(Puntland Mirror) Hal qof oo shacab ah ayaa ku geeriyootay Garoowe maanta oo Talaado ah kadib markii israsaasayn ay dhexmartay maleeshiyo hubaysan iyo ciidan dowladda katirsan oo galbinayay You-tuber caan ah, sida ay sheegeen ilo-wareedyo deegaanka ah.

Qofka dhintay ayaa ahayd gabar dhallinyaro ah oo lagu magacaabo Kowsar taasoo ay xabad ku haleeshay barxada oo ah goob fagaareed ku dhextaala bartamaha magaalada.

Maleeshiyada hubaysan ayaa la sheegay in ay ka caraysnayd hadalo uu horey You-tuberka Kabtan Ayuub uu u jeediyay siyaasiyiin deegaanka ah.

Dhowr qof oo kale oo ay ku jiraan ciidamo katirsan dowladda ayaa ku dhaawacantay israsaasaynta ka dhacday caasimada Puntland. Dadka dhaawacmay ayaa hadda lagula tacaalayaa isbitaalada kuyaala magaalada.

Ma jirto wax war ah oo weli ka soo baxay maamulka degmada iyo gobolka ee ku saabsan dhacdada maanta ee Garoowe.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*