Ciidamada DFS oo fashiliyay qarax ay Al-Shabaab la damacsanayd magaalada Balcad

Goobta gaariga ku qarxay ayaa waxaa ka muuqda burbur. [Isha Sawirka: Facebook]

Muqdisho-(Puntland Mirror) Ciidamada Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa fashiliyay weerar ay maleeshiyada Al-Shabaab u soo qorshaysay magaalada Balcad ee gobolka Shabeellaha Dhexe.

Maleeshiyada ayaa isku dayday maanta oo Sabti ah in ay gaari laga soo buuxshay walxaha qarxa ay soo geliso magaalada, balse ciidanka ayaa ogaaday kadibna ka hortagay, sida ay tabisay warbaahinta dowladda.

Dhowr qof oo shacab ah ayaa ku dhaawacmay qaraxa, waxaana ku burburay guryo ay lahaayeen dad shacab ah, wararka ayaa intaas ku daray.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*