Sanbalooshe oo markii 3-aad loo magacaabay agaasimaha NISA

Cabdullaahi Maxamed Cali “Sanbalooshe”[Sawir Hore]

Muqdisho-(Puntland Mirror) Golaha wasiiradda Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa Cabdullaahi Maxamed Cali oo loo yaqaan Sanbalooshe u magacaabay agaasimaha cusub ee haayada nabadsugida qaranka ee NISA, golaha wasiiradda ayaa magacaabista sameeyay kadib kulankoodii Khamiis laha ahaa.

Waxa uu bedeli doonaa Mahad Salad oo saaxiib dhow la ah madaxweyne Xasan Shiikh Maxamuud, xilkana hayay labadii sanno ee u dambaysay.

Sanbalooshe oo ah khabiir dhanka sirdoonka ayaa labo jeer oo hore soo noqday taliyaha NISA.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*