Xaalada amni ee Puntland oo sii xumaanaysa tan iyo markii dib loo doortay madaxweyne Deni

Madaxweyne Siciid Cabdullahi Deni. [Sawir Hore]

Garoowe-(Puntland Mirror) Xaalada amni ee Puntland ayaa soo xumaanaysa tan iyo markii dib loo doortay madaxweyne Siciid Cabdullahi Deni bishii Janaayo ee sanadkan 2024.
Garoowe-(Puntland Mirror) Xaalada amni ee Puntland ayaa soo xumaanaysa tan iyo markii dib loo doortay madaxweyne Siciid Cabdullahi Deni bishii Janaayo ee sanadkan 2024.

Dilal badan oo loo geystay dad shacab ah ayaa ka dhacay magaalooyinka Puntland, ciidamo ka gadoodsan mushahaar la’aan ayaa xiray jidadka, qaraxyo ayaa ka dhacay Boosaaso, halkaas oo maleeshiyo aan la garanayn oo loo maleynayo argagixiso ay si kumeelgaar ah u qabsadeen jid asbuucaan. Dhammaan dhacdooyinkan ayaa dhacay wixii ka dambeeyay dib u doorashada Deni.

Falaanqeeyaasha siyaasadda ayaa sheegay in haayadaha ammaanka oo ku milmay ololihii madaxweynaha ay dayaceen shaqadii iyo masuuliyadii ay hayeen. Masuuliyiinta heer gobol ilaa heer degmo sida guddoomiyeyaasha degmooyinka iyo guddoomiyeyaasha gobolada, qeybaha kala duwan ee taliyeyaasha ciidamada ayaa madaxweyne Deni u adeegsaday ka shaqaynta ololihiisii doorashadii 8-Janaayo taasoo farogelintii ugu xumayd abid soo xulista baarlamaanka Puntland uu ku sameeyay.

Walaaca ugu weyn ayaa laga qabaa xaalada ammaanka Puntland labada sanno ee soo socota, kuwaas oo madaxweyne Deni ku mashquulsanyahay sidii uu markale uga qeybgali lahaa doorashada madaxweynenimada Soomaaliya ee 2026, sida ay sheegeen ilo-wareedyo arrintaas xog ka haya. Falaanqeeyaasha ayaa qaba haddii xaalku uu sidaan ku sii socdo in ay dhici karto in ammaanka gobolka uu gacanta ka baxo, lagana yaabo in maleeshiyooyinka argagixisada sida Al-Shabaab iyo Daacish ay ka faa’idaysan karaan.

Ciidamada Puntland sida booliiska iyo milatariga ayaa wajahaya duruufo adag oo ay ugu weyntahay xaq la’aan sida mushahaarka iyo adeegyada kale oo ciidanku u baahanyihiin.

Puntland oo la asaasay 1998 ayaa bartamaha sanadkan jirsan doonta 26-sanno, waxaana gobolka uu la daalaa dhacayaa duruufo adag oo amni iyo dhaqaale, taasoo saamaysay nolosha dadka canshuur bixiyeyaasha ah oo aan wax adeeg ah ka helin dowladda.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*