Isku dhac u dhaxeeyay ciidamada PMPF iyo dabley hubaysan oo ka dhacay Eyl

Magaalo xeebeedka Eyl. [Sawir Hore]

Garoowe-(Puntland Mirror) Iska horimaad ayaa ka dhacay magaalo xeebeedka Eyl ee gobolka Nugaal, kadib markii ciidamada badda Puntland ee PMPF ay isku dayeen in ay qabtaan dad looga shakisan yahay in ay burcad badeed ahaayeen, sida ay sheegeen ilo-wareedyo deegaanka ah.

Rag hubaysan oo deegaanka ah ayaa soo dhexgalay, iyaga oo ka hortagaya PMPF inay soo qabtaan tuhmanayaasha burcadbadeeda kuwaas oo horaantii todobaadkan ay dooni kula soo caariday xeebaha Mudug kadib markii ciidanka badda Hindiya ay qabteen.

Ma ay jiraan wax khasaare ah oo ka dhashay isku dhacaas, ilo-wareedka ayaa intaas ku daray.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*