Soomaaliya oo ilaalinta badeeda ku wareejisay Turkiga

Ciidanka badda Turkiga. [Sawir Hore]

Muqdisho-(Puntland Mirror) Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa difaaca badda Soomaaliya ku wareejisay dalka Turkiga, kadib heshiiska labada dhinac oo ay maanta saxiixeen golaha wasiiradda iyo labada gole ee baarlamaanka Soomaaliya.

Heshiiska oo socon doona muddo 10-sanno ah ayaa waxaa ujeedkiisu yahay in biyaha Soomaaliya laga difaaco cid walba oo ku soo xad gudubta. Sidoo kale waxaa kamid ah in Turkiga uu tababari doono ciidanka badda Soomaaliya kuwaasoo heshiiska markii uu dhammaado si buuxda ula wareegi doona gacan ku haynta biyaha dalka.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*