Madaxweynaha Soomaaliya oo gaaray caasimada Rwanda ee Kigali si uu uga qayb galo shir madaxeedka Midowga Afrika

Kigali1
Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Shiikh Maxamuud oo gaaray caasimada Rwanda ee Kigali. Sawirka: Radio Muqdisho.

Kigali-(Puntland Mirror) Madaxweynaha dowlada federaalka Soomaaliya Xasan Shiikh Maxamuud ayaa maanta oo Sabti ah gaaray magaalada Kigali ee caasimada dalka Rwanda si uu uga qayb galo shir madaxeedka 27-aad ee Midowga Afrika.

Shir madaxeedka Afrika ayaa si rasmiya u furmi doona beri oo Axad ah, waxaana looga hadli doona arrimo badan oo ay ugu weyntahay xaalada dalka Koonfurta Suudaan.

Xoghayaha Qaramada Midoobay Ban Ki-moon ayaa ka qayb gali doona shirka Midowga Afrika oo ay isugu imaan doonaan hoggaamiyaal badan oo ka socda qaramada qaarada.

About Abdi Omar Bile 749 Articles
An online journalist and editor, with a decade of experience covering security and business issues, Puntland and entire Somalia.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*