Soomaaliya oo ceyrisay safiirkii Itoobiya

Safiirka Itoobiya u fadhiya Soomaaliya Mukhtaar Maxamed Waare. [Sawir Hore]

Muqdisho-(Puntland Mirror) Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa ceyrisay safiirkii Itoobiya u joogay Soomaaliya, iyadoona xirtay qunsuliyadihii Itoobiya ku lahayd magaalooyinka Itoobiya iyo Hargeysa.

Xiriirka Soomaaliya iyo Itoobiya ayaa xumaa tan iyo markii Itoobiya ay heshiis sharci daro ah la gashay maamulka Somaliland kaasoo u ogolaanaya in 20 km (12 mayl) oo badda Soomaaliya ah, taas bedelkeedna Itoobiya ay aqoonsan doonto maamulka Somaliland.

Dowladda Soomaaliya ayaa tan iyo markii heshiiskaas dhacay bishii Janaayo 2024 qaaday tilaabooyin diblomaasiyadeed oo sababay in beesha caalamka ay ku khasabto in ay ka laabato heshiiskaas wax u dhimaya qaranimada iyo dhul weynaha Soomaaliya.

Sidoo kale Puntland ayaa asbuucaan heshiis ganacsi la saxiixatay Itoobiya, tilaabadaas oo u muuqata mid Itoobiya ay uga faa’idaysanayso khilaafka Puntland iyo Dowladda Federaalka Soomaaliya, iyadoo qorshaheedu yahay sidii ay cadaadis u saari lahayd dowladda madaxweyne Xasan Shiikh Maxamuud.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*