Qaramada Midoobay oo walaac ka muujisay burburinta deegaanada dadka barakacayaasha ah ee ku sugan Muqdisho

Xiriiriyaha arrimaha insaanimada Qaramada Midoobay ee Soomaaliya Peter De Clercq. [Lahaanshaha Sawirka: AFP]
Muqdisho-(Puntland Mirror) Sargaal sare oo katirsan Qaramada Midoobay oo ku sugan Soomaaliya ayaa walaac weyn ka muujiyay wararka ku saabsan burburinta aan la ogeysiin ee guryaha dadka barakacayaasha ah ee Muqdisho.

“Aad ayaan uga murugeysanahay in aan aan ogaano guryo ka kicinta, iyada oo aan lahayn ogeysiis hore oo ku saabsan dadka barakacayaasha ah ee gobolka Banaadir,” ayuu yiri Ku-xigeenka Wakiilka Gaarka ah ee Xoghaya Guud ee Soomaaliya, Peter de Clercq.

“Qaar ka mid ah dadkaan barakacay waxay ka yimaadeen meelo kala duwan oo kamid ah dalka iyaga oo ka soo cararey abaaro iyo colaado,”  ayuu ku sii daray, isaga oo tilmaamay, in 29kii iyo 30kii December, in ka badan 23 deegaan oo dadka barakacayaasha lahaayeen, guryo ka badan 4,000 qoys oo dadka barakacayaasha ay lahaayeen la burburiyay.

Mr. De Clercq, oo sidoo kale ah Isuduwaha Hawlaha Bani’aadamnimada ee Qaramada Midoobay ee Soomaaliya, ayaa intaas ku daray in hantida shakhsi ahaaneed iyo hab-nololeedkuba ay lumeen maadaama dadka aan aan la siin waqtigii ay alaabtooda ku uruursan lahaayeen ka hor inta aan la burburin.

“Qoysaska, oo ay ku jiraan caruur, haween iyo waayeel waxay hadda ku nool yihiin meelo  banaan,” ayuu yiri.

Gudaha Soomaaliya, in ka badan labo milyan oo qof ayaa hadda ku barokacsan oo ay sababeen abaarta iyo colaadaha, sida uu sheegay Mr. De Clercq.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*