Abaar laga cabsi qabo Soomaaliya iyadoo xilli roobaadkii Guga uu daahay

Nin xoolo dhaqato ah oo geel wada. [Sawir Hore]

Garoowe-(Puntland Mirror) Abaar ayaa laga baqayaa iyadoo xilli roobaadkii Guga kaasoo sida caadiga ah bilaabma dabayaaqada bisha Maarso gudaha Soomaaliya aan la helin ilaa iyo hadda oo ay bishu ku dhowdahay bartamaha April.

Warbixin sadaasha oo asbuucaan ay soo saartay haayada Qaramada Midoobay u qaabilsan cunada iyo beeraha ee FAO ayaa sheegaysa in sadaasha 10-16 bishan April ay muujinayso in gobolada Puntland iyo Somaliland aysan ka jirin sadaal roob, halka Jubbaland, Koonfur Galbeed iyo gobolada dhexe ee dalka sida Galgaduud ay heli doonaan roobab dhexdhexaad ah.

Labadii xill roobaad ee u dambeeyay ayaa roobab fiican ka da’een gudaha Soomaaliya. Sanadihii u dambeeyay dhowrkii sannoba waxaa soo noqnoqonaysay abaar. Isbedelka cimilada iyo xaalufinta deegaanka ee bini’aadamku sababo ayaa loo aanaynayaa in ay qeyb ka yihiin abaaraha soo laalaabanaya, sida lagu ogaaday daraasado la sameeyay.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*