Guuleed Saalax: Hal maalin laguma dari karo xukunka xukuumada Deni

Guuleed Saalax oo ka hadlaya Barxada Garoowe. [Isha Sawirka: Facebook]

Garoowe-(Puntland Mirror) Guuleed Saalax Bare, oo u taagan madaxweynaha Puntland 2024 ayaa maanta soo gaaray Garoowe, halkaas oo si weyn loogu soo dhaweeyay.

Guuleed, ayaa khudbad kooban oo uu shacabka soo dhaweeyay ugu jeediyay fagaaraha Barxada, ayaa ku eedeeyay xukuumada hadda jirta ay doonayso muddo kororsi, taasoo aan marnaba la aqbali doonin.

“Waxaan rabaa in aan halkan fariin uga diro madaxweynaha iyo xukuumadiisa, iimaansada 3-da bilood ee idiin hartay, maalin la idiin ku dari mayo, mana suurtagelayso,” ayuu yiri Guuleed Saalax.

Dad isku soo baxay soo dhaweynta Guuled Barxada Garoowe. [Isha Sawirka: Facebook]

Waxa uu u jeediyay isimada in ay doorkooda qaataan, oo ay soo xulaan xildhibaanada cusub ee Puntland. “Waxaan rabaa in aan halkan fariin uga diro isimada oo ay doorkooda qaataan si Puntland ooga ilaaliyo khilaaf dastuuri ah, soona xula xildhibaanada.”

Imaanshaha Guled, oo horey u soo noqday guddoomiyihii TPEC, ayaa muujinaysa in gobolka uu galay xaalad doorasho, iyadoo 5 sanno ee madaxweyne Siciid Cabbdullahi Deni ku egtahay 8-da Janaayo 2024.

.

About Puntland Mirror 876 Articles
Puntland Mirror is a website news provider based in Puntland’s capital, Garowe, Somalia. Puntland Mirror is an independent online source providing you the latest update stories from Puntland, Somalia and around the World.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*