Raysulwasaare Xamse oo iskushaandhyan kooban ku sameeyay golaha wasiiradda

Raysulwasaaraha Dowladda Federaalka Soomaaliya Xamza Cabdi Bare. [Isha Sawirka: Xafiiska Raysulwasaaraha]

Muqdisho-(Puntland Mirror) Raysulwasaaraha Dowladda Federaalka Soomaaliya Xamza Cabdi Bare ayaa isku shaandhyan kooban ku sameeyay golihiisa wasiiradda maanta oo Axad ah.

Isku shaandhaynta ayaa waxa uu ku bartilmaameedsaday wasaarado muhiim ah sida wasiirkii arrimaha gudaha oo loo wareejiyay arrimaha dibada, halka wasiir cusub loo magacaabay arrimaha gudaha.

Wasiirka arrimaha gudaha ayaa loo magacaabay Cali Yuusuf Cali Xoosh, oo ah siyaasi ruug cadaaga ah oo ka soo jeeda Puntland, haddana ah xildhibaan federaal, waxaana uu horay xilal kala duwan uga soo qabtay maamulka Puntland.

Axmed Macalin Fiqi oo labadii sanno ee u dambeeyay ahaa wasiirka arrimaha gudaha ayaa loo wareejiyay wasaaradda arrimaha dibada oo aan wasiir lahayn tan iyo markii wasiirkii hore Abshir Cumar Huruuse ka tagay bishii Janaayo 2024.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*