Falanqayn musharixiinta u taagan xilka madaxtinimada Puntland: Fursadaha iyo Caqabadaha

Qiyaastii 20 maalmood ayaa ka harsan doorashada madaxweynaha Puntland oo qorshuhu yahay in ay dhacdo 8-da Janaayo 2024 sida caadada noqotay shantii doorasho ee u dambeysay.

Ilaa 20 musharax ayaa ilaa hadda bilaabay ololahooda u loolanka madaxtinimada Puntland 2024. Inkastoo khilaafkii muddo ka taagnaa habka doorashada uu daahiyay ololaha haddana musharixiinta qaarkood ayaa muddo soo waday olalahooda, waxaana hadda kululaaday loolanka.

Qaar kamid ah musharixiinta madaxweynaha safka hore ku jira ayaan ku falanqaynaynaa maqaalkan.

Siciid Cabdullahi Deni, waa madaxweynaha hadda talada haya , soona maamulayay Puntland  shantii sanno ee la soo dhaafay . Intii uu xukunka joogay waxa uu hirgeliyay hanaanka xisbiyada badan taasoo xilli hore uu bilaabay ay keentay in markii ugu horeysay doorasho hal qof iyo cod ah oo golayaasha deegaanka ah  3 degmo oo tijaabo ah si muran la’aan ah uga dhacday , halka 33 degmo oo kale ay 25 May ee sandkaan dhacday. Balse u halqaltaagiisii Muqdisho, boobkii 48 xildhibaan, dagaaladii Bossaso iyo Garowe iyo muran doorasho oo aan wali dhammaan waa boogo ku yaal Deni.

Inkasta oo uu dhawaan ka tanaasulay dimuquraadiyaddii sanga geliska ahayd e uu waday, haddana boob kale oo uu ku xusho 66 da xildhibaan oo uu u xilsaaray guddi wali lagu muransayahay waxay ku khatimi kartaa cimriga siyaasadeed ee madaxweyne khaatumo xumo iyo ceeb .

Marka laga yimaado awoodda dhaqaale ee uu haysto, awoodda uu si musuq maasuqa ah kula soo bixi karo xubno daacad u ah iyo isagoo ah ololeeye khibrad dheer leh, aadna u kalya adag , wuxuu madaxweyne Deni wajahayaa musharixiin mucaarad ah sidii caadadu ahaan jirtay habeenka u dameeya isku raaca in washamsi lagu wada qaado madaxwaynaha xilka haya .

Fursadda uu haysto Deni waa isaga oo musharixiinta qaar ka hela kuwa wasiir raadisa oo codadka yar ay helaan u wareejiya , inkasta oo Deni caan ku yahay ballan oofin la’aanta iyo inuu markaas qofka ku guuro oo aanu hadhaw gadaal u eegin.

Guuleed Saalax Bare, waxa uu horey u soo noqday wasiirkii deegaanka Puntland xilligii xukumadii Cabdiweli Maxamed Cali Gaas, isagoo kamid ahaa dhallinyaradii soo galay golaha wasiiradda, waxaana uu markaas ka hor ahaa shaqaale Qaramada Midoobay. Waxa uu asaasay hay’ad cilmi-baaris oo kamid ah kuwa hadda dhanka cilmi-baarista ugu horeeya Soomaaliya. August 2019, waxaa loo doortay guddoomiyaha Guddiga Kumeelgaarka ah ee Doorashooyinka Puntland (TPEC). Intii uu xilkaas hayay, waxa uu ku guulaystay in uu Puntland u horseeday qabashada doorasho hal qof iyo hal cod xilli uu guddigu wajahayay caqabado badan oo ay ugu horeyso dhaqaale la’aan ay kow ka ahayd ku filnaansho la’aanta miisaaniyadda dowladda ay u qoondeysay iyo caabuqii Covid-19. Waa siyaasi saaxiibo badan ku leh Soomaaliya oo dhan, waxaana dadka yaqaan ku tilmaamaan nin howlgar ah oo shaqada uu hoggaanka u qabto ka guul gaara. Dhanka wax barashada wuxuu haystaa shahaadada PhD, wuxuuna sidaas ku yahay musharaxa ugu daraja sareeya tartamayaasha dhanka aqoonta.

Waxaa lagu tilmaama nin birjeexa oo isa soo saaaray (hustler), wuxuu kusoo koray nolol agoonnimo, waana dal joog usoo joogay isbedeladii siyaasadeed, bulsho iyo dhaqaale ee Puntland soo marta, waana jiilka dhalinyarada ah ee hannaanka Puntland ku dhex barbaaray.

Waxaa la sheegayaa inuu ololihiisa muddo hore bilaabay iyo inuu yahay nin asxaab badan Puntland iyo Soomaaliyada kaleba, waxaana laga dareemayaa ololihiisa dad indhergarad ah oo gobolada kala duwan ee Puntland kasoo kala jeeda oo kamidyihiin ganacsato, aqoon yahano, haween, dhalinyaro iyo siyaasiyiin horay xilal usoo qabtay. Arrintaan ayaa sahli karta Guleed inuu xildhibaanada lasoo xulo tiro fiican ku qanciyo barnaamijkiisa oo ay doortaan.

Waxyaalaha uu u dhutin karo Guleed waxaa ka mida ah; isaga oo kooxo dhawra oo danlay u arkaan nin dheeraad ku ah masraxa siyaasadda oo khatar gelin kara dano badan oo ay soo ilaalinayeen sanado badan.

Xasan Shire Abgaal, waxa uu soo noqday wasiirkii hore ee maaliyadda Puntland ee xukumada hadda talada haysa ee Siciid Cabdullahi Deni, kaasoo uu kamid ahaa xubnihii ugu miisaanka cuslaa ee ku taageeray doorashadii 2019, balse ay kala irdhoobeen 2022. Waa nin lagu tilmaamo farsamayaqaan xariif ku ah olaha ku dhisan 66 xildhibaan, haddana muddo dheer soo qorshaynayay ololihiisa , saaxiibo badan, kuna xiran kooxo kala duwan oo danlay siyaasadeed ah. Wuxuu uu kaalin wayn ku lahaa saddex doorasho ee madaxweynaha Puntland loogu tartamay oo labbo kamid ah musharixii uu taageerayay uu guulaystay.

Sanadkii u dambeeyay, waxa uu kamid ahaa siyaasiyiinta ugu cadcad ee ka soo horjeeda barnaamijka hal qof iyo hal cod, isaga oo ku eedaynayay madaxweynaha xukunka haya in uu ka leeyahay dano gaar ah. Waxa uu awood badan ku leeyahay gobolka Nugaal gaar ahaan odayaasha dhaqanka, inkastoo oo uu hadda wajahayo culays badan oo kaga imaanaya saaxiibadiisa ka soo jeeda gobolka ee u tartamaya madaxweynenimada.

Xassan Shire Abgaal waxaa uu ku liitaa hanashada indheergaradka (elites) iyo isaga oo qaadicidiisa guddiga Deni magacaabay ay dad badan u tustay in Xassan uusan ahayn musharax kalsooni badan isku qaba. Sidoo kale, waxaa dad badan u arkaan Xassan mid ka tirsanaa maamulka hadda jira, haddana qori qaatay , kana tirsan kooxda Aaran Jaan oo Deni 2019 kursiga saartay, ka dibna Garoowe dagaalka kula galay oo qoriga u qaatay kursi raadinta.

Abshir Cumar Huruuse, waa wasiirka arrimaha dibada Soomaaliya ee xukuumada hadda joogta ee Xasan Shiikh Maxamuud. Horey waxa uu uga soo shaqeeyay haayadaha gargaarka oo mid kamid ah muddo dheer madax u ahaa. Waa ganacsade dhaqaale badan ku leh Soomaaliya iyo Geeska Afrika, waxaa lagu tilmaamaa in uu kamidyahay dadka ugu dhaqaalaha badan Puntland. Siyaasadda waxa uu soo galay 2019, markaas oo uu wax ka asaasay urur siyaasadeedka Mideeye oo uu weli xil ka hayo.

Doorashadii madaxweynaha Soomaaliya, waxa uu kamid ahaa dadkii taageerayay Xasan Shiikh Maxamuud. Hadda waxa la rumaysanyahay in ay taagerayso xukuumada Xasan Shiikh.

Marka laga yimaado culayska ka haysta Huruuse in loo arko wasiir uu soo ganay Xassan Shiikh oo uu ku doonayo inuu ku muujiyo galaangalkiisa uu ku leeyahay Puntland, ololaha Huruuse waa mid bilaw ah, aan haysan xubno badan oo la yaqaan oo khibrad badan u leh ololaha doorashooyinka 66 ee Puntland Yeelkadeede, Huruuse wuxuu noqon karaa mid musharixiinta aadka u baratamaya sida Guleed, Deni  iyo  Mashruuc mid walbaa Huruuse u noqdo  karo qorshe labaad (Plan B) haddii u sii raaxa ah ugu gudbo wareeg 3-aad.

Maxamuud Axmed Mashruuc, waa wasiir dowlaha batroolka iyo macdanta Soomaaliya ee xukuumada hadda joogta ee Xasan Shiikh Maxamuud. Horey waxa uu u soo noqday xildhibaan katirsan aqalka sare (senator), waxa uu ugu horeeyaa siyaasiyiinta ka soo jeeda gobolka Bari ee sanadka u tartamaya madaxweynenimada Puntland. Waxa ololihiisa halku-dhig u ah siyaasad loo dhanyahay taasoo uu ula jeedo in xukunka sanadka dhaafo beelaha xukunka isku daba marayay tan iyo asaaskii Puntland. Xirfadda olole ee Mahruuc waa mid uu taageero uga heli karo xildhibaanada soo baxa ee aaminsan ee 3 beelood ee isku taraysta kursiga ugu sareeya markaan la dhaafiyo. Sidoo kale, wuxuu haystaa Mashruuc fursad uu ugu noqdo Plan B musharixiinta qaar sida Guleed, Deni iyo Huruuse haddii  uu u gudbo wareegyada dambe.

Arrimaha wiiqi kara ololaha Mashruuc waa iyada oo aan howlihiisa ololaha ay ka muuqan inay joogaan shakhsiyaad miisaan culus oo kasoo jeeda Mudug , Nugaal iyo Karkaar, taas oo keeni karta inuu la kulmo isbahaysi isaga ka dhan ah oo uga yimaada musharixiinta tirade badan ee 3-daas gobol.

Axmed Ciise Cawad, waa wasiirkii hore ee arrimaha dibada xukuumadii Maxamed Cabdullahi Farmaajo. Horey waxa uu u soo nqoday safiirka Soomaaliya u fadhiya Maraykanka. Sidoo kale waxa uu muddo dheer UN-ka kala shaqaynayay dalka Suudaan.  Waxaa lagu tilmaamaa nin faham dheer u leh siyaasadda Geeska Afrika, da’ ahaan ka mida raga ugu waa-wayn, xushmad na loo hayo.

Haseyeeshee, ololaha musharax Cawad maaha mid muuqda ama culus .Ma jiraan shakhsiyaad iyo kooxo abaabulan oo dhaafsiisan Nugaal oo ka dhex muuqda ololihiisa. Waxaa ugu khibrad badan saaxiibada wada Cawad waa xildhibaan Cali Xoosh oo ay walaalo yihiin iyo xildhibaan Cabdirisaaq Dheere oo jifi hoose isla yihiin.

Axmed Siciid Aw-nuur, waa siyaasi hore oo ruugcadaa ah. Labbo jeer ayuu soo noqday wasiir xilligii AUN madaxweyne Maxamuud Muuse Xirsi oo loo yaqiin Cade. 2008 waxa uu isku sharaxay madaxweyne, inkastoo uusan gelin hall-ka codeynta oo uu tanaasulay, waxaana dadka siyaasadda falaanqeeya sheegaan in ay ahayd fursad uu lumiyay, maadaama uu ahaa raggii u cad-cadaa xilligaas. Tobankii sanno ee u dambeeyay waxa uu ka baxay saaxadda siyaasadda, isagoo u weecday dhanka haayadaha caalamiga ah oo mid kamid ah uu mar Puntland wakiil uga noday. 2018 waxa uu kamid ahaa jilbo-culustii ka soo jeeday gobolka Nugaal oo taageerayay Asad Cusmaan Cabdullaahi oo doorashada uu kaga adkaaday Siciid Deni. 2020 waxa uu kamid ahaa siyaasiyiinta qeybta ka ah howlgelinta nidaamka xisbiyada badan, isagoo wax ka asaasay urur siyaasadeedka Mideeye, balse markii dambe uu khilaaf soo kala dhex galay. Waxa lagu tilmaamaa nin go’aan adag, eex-lahayn, jecelna in dadka loo celiyo si ay codkooda ugu doortaan cida ay doonayaan. Hadda waa musharax keligiis taagan oo aan kooxo gaar ah xiriir la lahayn.

Caqabadaha haysta Axmed waa isaga oo aan olole xoog leh oo la dareemi karo ku jirin iyo in aanay jirin jilib culus olole u wada.

Asad Cismaan Cbadullahi, waxa uu ahaa agaasimihii ciidanka PSF oo uu Mareykanka muddo dheer taageerayay, xilkaas oo aabihiis hayn jiray, isaguna markii uu madaxweynaha isku sharaxay ku wareejiyay walaalkiis ka yar oo lagu magacaabo Maxamuud Cusmaan Cabdullahi. 2019, waxaa labbo cod kaga adkaaday Sciid Deni doorashadii madaxweynaha. 2020 waxa uu kamid ahaa siyaasiyiinta waxa ka asaastay urur siyaasadeedka Mideeye. Loolan adag ayaa tan iyo 2019 kala dhaxeeyay madaxweynaha hadda xilka haya, iyadoo ciidanka PSF iyo xukuumada Puntland ee hadda joogta dabayaaqadii 2021 ay dagaal dad badan ku dhinteen ku galeen magaalada ganacsiga Puntland ee Boosaaso. Inkastoo oo uusan soo qaban xilal ka baxsan agaasimaha PSF, haddana waxa uu awood ku dhex-leeyahay gobolka Karkaar oo ay degaan ahaan ka soo wada-jeedaan Siciid Deni. Awoodaha uu haysto waxaa la rumaysanyahay in ay ka gacan siisay u dhowaanshaha qoyska reer boqor Cusmaan.

Caqabadaha haysta Asad waxa ugu waawayn isaga oo ay isku raas yihiin Deni oo mar kale doonaya inuu kursiga hanto, iyo isaga oo baratan kharaar oo uuu ku dhiig baxay, sumcadiisana galaafatay 5 sano kula jiray Deni.

Aadan Shiikdoon Cali, waxa uu horey uga mid ahaa kacdoonkii hubaysnaa ee SSDF ee 80-yadii dagaalka la gashay xukuumadii milatariga ahayd ee Maxamed Siyaad Bare hoggaanka u hayay. Burburka kadib, waxa uu ku uruuray dhanka ganacsiga iyo waxbarashada, isaga oo maamule ka noqday shirkada ugu weyn isgaarsiinta Puntland ee Golis iyo Jaamacadda Barrika Afrika. Waxa uu kaalin weyn ka qaatay horumarka shirkada Golis intii ay ka howlgalaysay Puntland. Waxa uu saaxiibo badan ku leeyahay ganacsatada Puntland iyo urur diimeedka Ictisaam oo uu yahay musharaxa ay taageerayaan.

Inkasta oo olole xoogan oo jilib culus kala duwan wadaan wali lasoo shirtegin, Shiikhdoon waxaa loo arki karaa oday degan oo heli kara taageerada xildhibaanada soo baxa qaar haddii odayaal jilib culus ah u badanyihiin.

Caqabadaha haysta musharaxa waxaa kamid ah isaga oo shirkadda Golis ka tirsan oo shirkadaha kale walwal badan ka qabi karaan, isaga oo koox diimeedka Ictisaam rageeda ugu waa-wayn ah, iyo isaga oo olole muddo dheer ah aan kusoo jirin.

Gunaanad

Musharixiinta u taagan madaxtinimada Puntland waa ku kala duwanyihiin khibradda siyaasadda, aqoonta, usoo shaqaynta dadka iyo dalka iyo waaya aragnimada ololaha.

Waxaa dadka aadka ula socda doorashooyinka Puntland ee 8 January aaminsanyihiin in arrimaha soo socda go’aamiyaan guusha musharaxa:
Ololaha muddada dheer oo keena is dhaarsasho iyo ballamo la kala galo.
Waaya aragnimada iyo sumcadda kooxaha u ololaynaya musharaxa
Lacagta (awoodista dabolidda baahida xildhibaanada soo baxaya iyo laaluushka habeenka u dambeeya)
Sumcadda, aqoonta iyo waaya aragnimada siyaasadeed musharaxa (profile).
Qabiilka musharaxa (musharax kasoo jeeda beesha taraha leh), kaasoo noqday qodob aan dastruurka ku noqrnay balse si hoose loogu dhaqmayay, iyo madaxwaynaha talada haya ee dib u doorashada raadinaya.

About Puntland Mirror 877 Articles
Puntland Mirror is a website news provider based in Puntland’s capital, Garowe, Somalia. Puntland Mirror is an independent online source providing you the latest update stories from Puntland, Somalia and around the World.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*