Tobonaan dagaalyahan oo katirsan Al-Shabaab oo lagu dilay duqeymo Mareykanku ka fuliyay gobolka Mudug

Maleeshiyada Al-Shabaab. [Sawir Hore]
Muqdisho-(Puntland Mirror) Mareykanka ayaa sheegay in ay 37 dagaalyahan oo katirsan Al-Shabaab ku dileen duqeymo ka dhacay Soomaaliya.

Duqeymaha ayaa ka dhacay gobolka Mudug ee bartamaha Soomaaliya Isniintii, sida ay bayaan ku sheegeen Taliska Mareykanka ee Afrika.

Ma jiraan wax khasaare ah oo shacabka kasoo gaaray duqeymahaas, sida ay intaas ku dareen.

Mareykanka ayaa kordhiyay duqeymaha ka dhanka ah maleeshiyada Al-Shabaab ee ku sugan Soomaaliya tan iyo horaantii sanadkii 2017-kii, balse maleeshiyada ayaa weli ku harsan dhanka koonfureed ee dalka, sidoo kale waxay gudaha caasimada Muqdisho ka fulisaa weeraro dhimasho leh.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*