Ciidamada booliiska Puntland oo xubin sare oo katirsan Daacish ku soo qabtay howlgal ka dhacay gobolka Bari

Garoowe-(Puntland Mirror) Ciidamada booliiska Puntland ayaa soo qabtay xubin sare oo katirsan kooxda Daacish/ISIS oo lagu magacaabo Axmed Xuseen Ibraahim kadib howlgal ka dhacay meel u dhow degmada Uffeyn ee gobolka Bari, sida ay ciidamada ku sheegeen war-saxaafadeed ay ku daabaceen boggooda Facebook maanta oo Arbaco ah.

“Hor-joogaha la qabtay ayaa ku soo aaday xilli kooxda argagixisada ee ISIS/Daacish kordhiyeen xubnaha Ajenibta ee kaga imanaya dalalka shisheeye si ay uga dhinac dagaalamaan. horray ciidanka booliska waxay hawl-galo ku dileen kuna qabteen xubno ka tirsan Kooxda Daacish oo u dhashay dalalka Suuriya, Suudaan, Itoobiya, Yemen iyo kuwa u dhashay Koonfurta Dalka Soomaaliya.” Ayaa booliiska ku sheegeen war-saxafaadeedka.

ISIS ayaa tan iyo 2015 ku dhuumanaysay deegaano kuyaala gobolka Bari. Maleeshiyada ayaa sanadihii u dambeeyay weeraro khaarajin ah iyo qaraxyo ka geysatay deegaanada Puntland gaar ahaan xarunta ganacsiga ee Boosaaso.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*