Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo filaya inuu u tartamo Madaxweynaha Puntland

Wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya Abshir Cumar Huruuse. [Xigashada: Facebook/Abshiromarjama]

Garoowe-(Puntland Mirror) Wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya Abshir Cumar Jaamac oo loo yaqaan Abshir Cumar Huruuse ayaa laga yaabaa in uu ku dhawaaqo hamigiisa ah in uu u tartamo madaxtinimada Puntland, isaga oo ku biiraya musharixiinta u taagan doorashada Puntland ee soo socota 2024, sida ay sheegeen laba qof oo arrintan xog ogaal u ah.

Ku dhawaaqistiisa ayaa la filayaa dhowrka toddobaad ee soo socda, malaha Oktoobar ama Nofembar, ilo-wareedyadayada ayaa intaa ku daray, iyadoo aan la sheegin waqtiga saxda ah ee uu ku dhawaaqayo.

Ilo-wareedka oo aan weydiinay inuu xilkiisa iska casilayo iyo in kale, ilo-wareedyada waxay ka gaabsadeen inay ka hadlaan, waxayna sheegeen inaysan jirin qodob dastuuri ah oo u diidaya inuu u tartamo xilka madaxweynenimo ee dowlad-goboleedka, iyagoo tusaale u soo qaatay wasiirro kale oo ka tirsan dowladda federaalka oo kala ah madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Qoor-Qoor iyo madaxweynaha Koonfur-galbeed oo labaduba iyagoo wasiiro ka ah dowladda dhexe isku sharaxay xilka ay maanta ku fadhiyaan. Sidoo kale, dastuurka Puntland ma jiro qodob diidaya in wasiir federaal ah uu u tartamo madaxweynaha maamulkaas.

Abshir Cumar Jaamac oo horay uga soo shaqeeyay arrimaha bini’aadantinimada ayaa waxaa Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya u magacaabay Ra’iisal Wasaare Xamza Cabdi Barre sanadkii 2022-kii, kadib markii uu soo jeediyay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo Huruuse uu ku taageeray ololihiisa.

Abshir ayaa sidoo kale ah ganacsade si weyn looga yaqaan Puntland, wuxuuna saami ku leeyahay shirkado waaweyn oo ay ka mid tahay shirkadda Golis oo ah shirkadda ugu weyn ee dhanka isgaarsiinta. Waxaa la og yahay in uu siyaasadda ku soo biiray dabayaaqadii sanadkii 2019-kii markaas oo uu ka mid ahaa asaasayaashii urur siyaasadeedkii Mideeye oo loo magacaabay xoghaye guud oo uu ilaa hadda hayo.

Wuxuu ku biiraya musharaxiin dhowr ah oo u badan kuwo ka soo jeeda gobolka Nugaal, kuwaas oo u taagan doorashada madaxtinimada Puntland ee 2024-ka, iyadoo ay sii kordhayso cabsida laga qabo in doorashadu ay ku dhacdo waqtigii loogu talagalay.

Waxaa loolan ka taaganyahay qaabka doorashada soo socota. Madaxweynaha hadda talada haya, Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa doonaya in codka lagu qaado nidaamka xisbiyada badan, balse kooxaha mucaaradka ah ee Puntland ayaa baaqan kasoo horjeestay, sababtoo ah waxay aaminsan yihiin inay qayb ka tahay qorshe uu madaxweyne Deni ku doonayo inuu xilka ku kordhisto hal sanno, ama uu sameeyo abaabulo doorasho musuq-maasuq si uu xilka ugu sii haysto.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*