Garoowe oo martigelin doonta shirka siyaasiyiinta mucaaradka

Magalada Garoowe. [Sawir Hore]

Garoowe-(Puntland Mirror) Magaalada Garoowe, caasimada Puntland, ayaa asbuucaan martigelin doonta shir ay yeelan doonaan siyaasiyiinta mucaaradka ah, sida ay ilo-wareedyo ka ag dhow ay u sheeegeen bog wareedka Puntland Mirror.

Shirka ayaa la filayaa in ay ka qeybgalaan xubno kala duwan intooda badan ay yihiin musharixiin madaxweyne, kuwaasoo maalmihii u dambeeyay imaanayay Garoowe.

Shirka ayaa ujeedkiisu yahay sidii looga wada-xaajoon lahaa doorashada madaxweynaha, iyadoo 3 bilood ay ka harsantahay muddo xileedkii madaxweynaha xilka haya Siciid Cabdullahi Deni, ilo-wareedka ayaa intaas ku daray.

Waxaa loolan ka taaganyahay qaabka doorashada soo socota. Madaxweynaha hadda talada haya, Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa doonaya in codka lagu qaado nidaamka xisbiyada badan, balse kooxaha mucaaradka ah ee Puntland ayaa baaqan kasoo horjeestay, sababtoo ah waxay aaminsan yihiin inay qayb ka tahay qorshe uu madaxweyne Deni ku doonayo inuu xilka ku kordhisto hal sanno, ama uu sameeyo abaabulo doorasho musuq-maasuq si uu xilka ugu sii haysto.

About Puntland Mirror 876 Articles
Puntland Mirror is a website news provider based in Puntland’s capital, Garowe, Somalia. Puntland Mirror is an independent online source providing you the latest update stories from Puntland, Somalia and around the World.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*