Deni oo soo magacaabay golihiisa wasiiradda oo ka kooban 21 xubnood

Madaxweyne Deni.[Sawir Hore]

Garoowe-(Puntland Mirror) Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullahi Deni ayaa magacaabay golihiisa wasiiradda kadib ku dhawaad labo bilood markii dib loo doortay.

Liiska golaha wasiiradda oo afhayeenkiisu ku dhawaaqay xalay saqdii dhexe ayaa ka kooban 21 wasiir.

Qaar kamid ah wasiiradda ayaa dib loo soo magacaabay sida wasiirka amniga iyo wasiirka arrimaha gudaha. Ilaa labo xubnood ayaana haween ka ah golaha wasiiradda.

Sidoo kale golaha ayaa waxaa ka soo muuqday rag horey Puntland wasiiro uga soo noqday sida Siciid Qoorsheel iyo Daaud Bisle.

Wasiirka maaliyadda ayaa loo magacaabay Maxamed Faarax oo ahaa agaasimaha bankiga dhexe ee dowladda Puntland.

Wasiir ku xigeenada iyo wasiir dowleyaasha ayuusan magacaabin, waxaana qorshuhu yahay in uu dib ka magacaabo, sida ay ilo-wareedyadu sheegayaan.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*