Midowga Yurub oo si joogto ah u hakiyay gaargaarka Soomaaliya kadib markii UN ay heleen musuqmaasuq baahsan

Ilmo-yar oo ku sugan xero barakac. [Sawir Hore]

Nairobi-(Puntland Mirror) Madaxa fulinta Midowga Yurub ayaa si ku meel gaar ah u hakiyay dhaqaalihii uu siin jiray Barnaamijka Cunnada Adduunka (WFP) ee Soomaaliya, sida ay maanta oo Isniin ah u sheegeen wakaaladda wararka ee Reuters laba sarkaal oo sare oo ka tirsan Midowga Yurub, ka dib markii baaritaan ay Qaramada Midoobay samaysay lagu ogaaday xatooyo baahsan iyo si xun u isticmaalka gargaarka la doonayo in looga hortago macaluusha, sida ay maanta oo Talaado ah faafisay wakaalada wararka Reuters.

Guddiga Yurub ayaa in ka badan 7 milyan oo doollar ku siyay howl-gallada WFP ee Soomaaliya sannadkii hore, qayb ka mid ah deeqahaas oo ah in ka badan $1 bilyan oo ay heshay, sida ay muujinayso xogta Qaramada Midoobay.

Wadamada xubnaha ka ah EU waxay siiyeen lacag aad u badan oo ku salaysan laba geesood. Ilaa hadda ma cadda in ay jiraan sidoo kale hakin doonaan gargaarka.

Balazs Ujvari, oo ah afhayeenka guddiga Yurub, ma xaqiijin mana beenin gaar ahaan joojinta ku meel gaadhka ah laakiin wuxuu yiri: “Ilaa hadda, Midowga Yurub lama ogaysiin la-hawlgalayaasheeda Qaramada Midoobay saamaynta dhaqaale ee mashaariicda uu maalgeliyo Midowga Yurub.

“Si kastaba ha ahaatee, waxaan sii wadi doonaa inaan la soconno xaaladda, waxaanan u hoggaansanahay habkayaga dulqaad-la’aanta ah ee ku wajahan xatooyada, musuqmaasuqa ama dhaqan-xumada.”

WFP si deg-deg ugama aysan jawaabin xiriir ay la samaysay wakaalada wararka Reuters.

Mid ka mid ah saraakiisha sare ee Midowga Yurub ayaa sheegay in go’aanka la qaatay kadib markii baaritaankii Qaramada Midoobay lagu soo gabagabeeyay in mulkiilayaasha dhulka, maamulka deegaanka, xubno ka tirsan ciidamada ammaanka iyo shaqaalaha samafalka ay dhamaantood ku lug lahaayeen xatooyada gargaarka loogu talagalay dadka nugul.

Sarkaalkan oo magaciisa ka gaabsaday ayaa sheegay in gargaarka dib loo soo celin doono marka ay WFP buuxiso shuruudo dheeraad ah, sida in la kala shaandheeyo la-hawlgalayaasha ku sugan gudaha Soomaaliya. Sarkaalka labaad ee sare ee Midowga Yurub ayaa sidaas xaqiijiyay.

About Puntland Mirror 876 Articles
Puntland Mirror is a website news provider based in Puntland’s capital, Garowe, Somalia. Puntland Mirror is an independent online source providing you the latest update stories from Puntland, Somalia and around the World.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*