Articles by: Abdirahman Abdullahi Sheikh

Raysulwasaarihii Itoobiya Hailemariam Desalegn oo iscasilay

Raysulwasaarihii Itoobiya Hailemariam Desalegn oo iscasilay

Addis Ababa-(Puntland Mirror) Raysulwasaaraha dalka Itoobiya Hailemariam Desalegn ayaa sheegay in uu go’aan ku gaaray in iscasilo, sida ay ku warantay wakaalada wararka dowladda IItoobiya ee ENA maanta oo Khamiis ah. Hailemariam Desalegn ayaa sheegay in uu mar hore gudbiyay warqadiisa iscasilaada. Isaga oo intaas ku daray in uu ka tagayo labada boos ee uu hayo oo kala ah guddoomiyaha[Read More…]

by February 15, 2018 0 comments World
Hoggaamiyihii xisbiga mucaaradka ee dalka Zimbabwe Morgan Tsvangirai. [Sawirka]

Hoggaamiyihii xisbiga mucaaradka ee dalka Zimbabwe Morgan Tsvangirai oo geeriyooday

Johannesburg-(Puntland Mirror) Hoggaamiyihii xisbiga mucaaradka ee ugu weyn dalka Zimbabwe Morgan Tsvangirai ayaa ku geeriyooday dalka Koonfur Afrika, sargaal sare oo katirsan xisbigiisa MDC ayaa u sheegay wakaalada wararka Reuters. Tsvangirai oo 65-sanno jir ahaa, soona noqday raysulwasaare, ayaa waxaa hayay kansarka ku dhaca xiidmaha. Tsvangirai ayaa wakhti dheer halgan siyaasadeed kula jiray Madaxweynihii hore Robert Mugabe.

by February 14, 2018 0 comments World
Diyaaradda burburtay ayaa nooceedu ahaa An-148 sida tan ka muuqata sawirka.

Diyaarad Ruushka leeyahay oo siday 71 qof oo rakaab ah oo burburtay

Moscow-(Puntland Mirror) Diyaarad Ruushka leeyahay oo siday 71 qof oo rakaab ah iyo shaqaalaha diyaaradda ayaa burburtay maanta oo Axad ah kadib markii ay kasoo muuqan weyday shaashadaha raadaarka, sida ay sheegeen warbixinadu. Diyaaradda ayaa ka tagtay caasimada Ruushka ee Moscow waxayna ku socotay magaalada Orsk. Ilo-wareedyo katirsan Adeegyada Gargaarka deg dega ah ayaa wakaalada wararka Interfax u sheegay in[Read More…]

by February 11, 2018 0 comments World
Diyaarad qumatiga u kacda ee Turkiga. [Sawirka]

Labo askari oo katirsan ciidamadda Turkiga oo ku geeriyooday shil diyaaradeed oo ka dhacay gobolka Afrin ee Suuriya

Istanbul-(Puntland Mirror) Labo askari oo katirsan ciidamadda Turkiga ayaa ku geeriyooday kadib markii diyaarad qumaatiga u kacda ay maanta oo Sabti ah ku burburtay gobolka Afrin ee kuyaala waqooyiga galbeed ee Suuriya halkaas oo ay ciidamadda Turkiga ka wadaan howlgal milatari, sida uu sheegay Raysulwasaaraha Turkiga Binali Yildirim. Binali Yildirim oo wariyeyaasha la hadlayay ayaa yiri: “Nasiibdaro, mid kamid ah[Read More…]

by February 10, 2018 0 comments World
Madaxweynaha dalka Turkiga Recep Tayyip Erdogan. [Xigashada Sawirka: Bloomberg]

Erdogan oo ka codsaday Kurdiyiinta in ay joojiyaan aftida madax-banaanida

New York-(Puntland Mirror) Madaxweynaha dalka Turkiga Recep Tayyip Erdogan ayaa shalay oo Arbaco ahayd ku celiyay jeedintiisa ku saabsan Maamul Goboleedka Kurdishka si ay uga noqdaan go’aankooda ah in ay qabtaan afti madax-banaani. “Waxaan rajayn in ay ka noqdaan go’aankan khaldan ayna sii wadaan in ay yihiin Dowlad Goboleedka Kurdish,” Erdogan ayaa sidaa ku sheegay wareysi uu gudaha New York ku[Read More…]

by September 21, 2017 0 comments World
Turkiga oo dhoolatus milatari ka bilaabay meel u dhow xuduuda uu la wadaago Ciraaq. [Xigashada Sawirka: Anadolu]

Turkiga oo dhoolatus milatari ka bilaabay meel u dhow xadka uu la wadaago Ciraaq

Ankara-(Puntland Mirror) Turkiga ayaa dhoolatus milatari ka bilaabay xadka ay la wadaagaan Ciraaq maanta oo Isniin ah, ciidamada milatariga ayaa bayaan kooban oo ay soo saareen ku sheegay sida ay ku warantay wakaalada wararka Turkiga ee Anadolu. Dhoolatuska ayaa imaanaya hal asbuuc kahor gobolka Kurdiyiinta ee waqooyiga Ciraaq oo qaban doona afti madax-banaani taasoo Turkiga iyo beesha caalamka ay kasoo horjeesteen. Bayaanka[Read More…]

by September 18, 2017 0 comments World
Marwada Kowaad ee dalka Turkiga Emine Erdogan oo gargaar ku wareejinaysa qaxootiga Muslimiinta Rohingya. [Xigashada Sawirka: Anadolu]

Marwada Kowaad ee dalka Turkiga oo gargaar gaarsiisay xero qaxooti oo ay ku jiraan Muslimiinta Rohingya

Ankara-(Puntland Mirror) Marwada Kowaad ee dalka Turkiga Emine Erdogan ayaa gargaar ku wareejisay qaxootiga Muslimiinta Rohingya kadib safar ay ku tagtay xero qaxooti oo kutaala xadka Myanmar maanta oo Khamiis ah, sida ay ku warantay wakaalada wararka Turkiga ee Anadolu. “Waa wax aan macquul aheyn in aan arrintan u taabanno sida bani’aadamnimada,” ayay tiri kadib markii ay sanduuqyada u gudbinaysay qaxootiga jooga[Read More…]

by September 7, 2017 0 comments World
Madaxweynaha dalka Turkiga Recep Tayyip Erdogan iyo hoggaamiyaha dalka Myanmar Aung San Suu. [Xigashada Sawirka: Anadolu]

Madaxweyne Erdogan oo hoggaamiyaha Myanmar kala hadlay dhibbaatooyinka Muslimiinta Rohingya

Ankara-(Puntland Mirror) Madaxweynaha dalka Turkiga Recep Tayyip Erdogan ayaa maanta oo Talaado ah hoggaamiyaha dalka Myanmar Aung San Suu Kyi kala hadlay dhibbaatooyinka ka dhanka ah xuquuqul iinsaanka ee Muslimiinta Rohingya, sida ay ku warantay wakaalada wararka Turkiga ee Anadolu. Wadahadalka oo khadka taleefoonka ku dhexmaray labada hoggaamiye ayaa Erdogan u sheegay Suu Kyi in weerarada sii kodhaya ee loo geysanayo[Read More…]

by September 5, 2017 0 comments World
Wasiirka Arrimaha Dibada Qatar Sheikh Mohammed bin Abdulrahman al-Thani. [Xigashada Sawirka: BBc]

Qatar oo sheegtay in ay soo celin doonto safiirkeedii u fadhiyay Iran

Doha-(Puntland Mirror) Qatar ayaa sheegtay shalay oo Arbaco ahayd in ay go’aansatay in ay soo celiso safiirkeedii Tehran, in ka badan 20 bilood markii ay Qatar dib ugu yeeratay safiirkeeda kadib markii safaarada Sucuudi Caraabiya ee ku taalay gudaha Iran ay boobeen dad mudaharaadayay oo ka xanaaqsanaa dilka hoggaamiye Shiici ah oo Sucuudigu dilay. Go’aanka Qatar ayaa imaanaya iyadoo bartanka[Read More…]

by August 24, 2017 0 comments World
Xoghayaha Difaaca Mareykanka James Mattis. [Sawirka: Archive]

Xoghayaha Difaaca Mareykanka: Weerarka Waqooyiga Kuuriya wuxuu keeni doonaa dagaal

Washington-(Puntland Mirror) Xoghayaha Difaaca Mareykanka James Mattis ayaa shalay oo Isniin ahayd sheegay haddii Waqooyiga Kuuriya ay weerarto Mareykanka, taasi in ay keeni doonto dagaal. “Haddii ay gantaal ku soo ridaan Mareykanka, taasi waxay hurin doontaa dagaal deg deg ah,” ayuu Mattis u sheegay wariyeyaasha, isaga oo ku sii daray haddii Waqooyiga Kuuriya ay raacaan tilaabo milatari, Maraykanku wuxuu isku[Read More…]

by August 15, 2017 0 comments World
Scroll Up