UK oo safiir cusub u magacowday Soomaaliya

Safiirka cusub ee UK Michael Nithavrianakis. [Sawir Hore]

London-(Puntland Mirror) Boqortooyada Ingiriiska ayaa safiir cusub u soo magacaabay Soomaaliya, sida lagu sheegay war-saxaafadeed la faafiyay habeenimadii Talaadada.

Michael Nithavrianakis ayaa noqon doona safiirka cusub, isagoo bedeli doona Kate Foster, oo shaqo kale oo diblomaasiyadeed loo wareejiyay.

Safiirka cusub Nithavrianakis ayaa shaqada bilaabi doona inta lagu guda jiro bisha May 2023, war-saxaafaeedka ayaa intaas ku daray.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*