Raysulwasaarihii Itoobiya Hailemariam Desalegn oo iscasilay

Hailemariam Desalegn. [Sawirka: ENA]
Addis Ababa-(Puntland Mirror) Raysulwasaaraha dalka Itoobiya Hailemariam Desalegn ayaa sheegay in uu go’aan ku gaaray in iscasilo, sida ay ku warantay wakaalada wararka dowladda IItoobiya ee ENA maanta oo Khamiis ah.

Hailemariam Desalegn ayaa sheegay in uu mar hore gudbiyay warqadiisa iscasilaada. Isaga oo intaas ku daray in uu ka tagayo labada boos ee uu hayo oo kala ah guddoomiyaha xisbiga talada haya ee EPRD iyo raysulwasaarenimada.

Wuxuu xusay in go’aankaas uu u qaatay si xal kama dambeys ah loogu helo xaalada hadda taagan, oo ay kamidyihiin barakacyo, dhibaatooyin soo gaaray dadka, iyo  kaabaysha iyo hantida oo burburay.

Hailemariam, oo sidoo kale soo noqday Wasiirka Arrimaha Dibada iyo Raysulwasaare ku xigeen, ayaa loo dhaariyay Raysulwasaare bishii September 2012, kadib markii uu dhintay Meles Zenawi.

About Abdirahman Abdullahi Sheikh 240 Articles
Senior foreign news editor at Puntland Mirror. Expertise in writing military reports, geopolitics, and crime reports. Sheikh holds a bachelor of economic management and sciences and a master's degree in international relationship from International Islamic University Malaysia (IIUM).You can reach him on: abdirahman.abdullahi91@gmail.com

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*