Nabadoon Axmed Diiriye Cali oo geeriyooday

Marxuum Axmed Diiriye Cali. [Sawirka]
Muqdisho-(Puntland Mirror) Axmed Diiriye Cali, oo kamid ah odayaasha dhaqanka ugu caansan Muqdisho intii lagu guda jiray dagaalka sokeeye, ayaa xalay oo Isniin ahayd ku geeriyooday magaalada Muqdisho, sida ay xaqiijiyeen qoyskiisu.

Axmed Diiriye oo 75-sanno jir ahaa, ayaa muddooyinkii u dambeeyay xanuunsanaa waxaana uu xalay ku geeriyooday isbitaalka Erdogan ee Muqdisho.

Axmed Diiriye ayaa aad loo bartay xilligii dowladdii federaalka ee Madaxweyne Cabdullaahi Yuusuf Axmed, isaga oo kasoo horjeestay dowladdaas iyo ciidamaddii Itoobiya ee taageerayay.

Dowladdii Madaxweyne Cabdullaahi Yuusuf ayaa xirtay Axmed Diiriye dabayaaqadii sanadkii 2007.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*