Ciidamada ammaanka Faransiiska oo toogtay nin hubeysan oo saddex qof dilay

Ciidamo katirsan Faransiiska oo taagn banaanka suuqa uu ninka hubeysan afduubashada dadka ugu heystay. [Sawirka]
Paris-(Puntland Mirror) Ciidamada booliiska Faransiiska ayaa toogtay nin saddex qof ku dilay koonfurta Faransiiska, sida maanta oo Jimce ah uu sheegay Wasiirka Arrimaha Gudaha Faransiiska.

Ninka hubeysnaa ayaa soo afduubtay gaari kadibna waxa uu afduub ahaan u qabsaday suuq kuyaala magaalada Trebes.

Madaxweynaha Faransiiska Emmanuel Macron ayaa sheegay in dhacdada ay muujineyso sumad weerar argagixiso.

Masuuliyiinta Faransiiska ayaa sheegay in ninka weerarka geystay uu asal ahaan kasoo jeedo dalka Moroco, waaxana uu dalbanayay in la sii daayo Saalax Cabdisalaam, kaasoo kamid ah koox looga shaki qabo weeraradii Paris ka dhacay bishii November 2015, oo lagu dilay 130 qof.

Kahor inta uusan gelin suuqa, ninka hubeysnaa ayaa rasaas ku furay afar booliska katirsan oo ruc leynayay magaalada Carcassonne, waxaana uu dhaawacay hal kamid ah.

Warbaahinta Faransiiska ayaa sheegay in ninkaas weerarka geystay lala xiriirinayo Ururka Daacish.

Kani ayaa ahaa dhacdadii ugu horeysay oo argagixso tan iyo markii Madaxweynaha dhawaan la doortay ee Faransiiska uu qaaday labo sanno oo xaalad deg deg ahaa oo dalkaas la gashay.

Dalka France ayaa sanadihii u dambeeyay la kulmay weeraro argagixiso oo khasaare badan ka dhashay, oo ay masuuliyadiisa sheegteen Daacish.

About Abdirahman Abdullahi Sheikh 241 Articles
Senior foreign news editor at Puntland Mirror. Expertise in writing military reports, geopolitics, and crime reports. Sheikh holds a bachelor of economic management and sciences and a master's degree in international relationship from International Islamic University Malaysia (IIUM).You can reach him on: abdirahman.abdullahi91@gmail.com

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*