Labo askari oo katirsan ciidamadda Turkiga oo ku geeriyooday shil diyaaradeed oo ka dhacay gobolka Afrin ee Suuriya

Diyaarad qumatiga u kacda ee Turkiga. [Sawirka]
Istanbul-(Puntland Mirror) Labo askari oo katirsan ciidamadda Turkiga ayaa ku geeriyooday kadib markii diyaarad qumaatiga u kacda ay maanta oo Sabti ah ku burburtay gobolka Afrin ee kuyaala waqooyiga galbeed ee Suuriya halkaas oo ay ciidamadda Turkiga ka wadaan howlgal milatari, sida uu sheegay Raysulwasaaraha Turkiga Binali Yildirim.

Binali Yildirim oo wariyeyaasha la hadlayay ayaa yiri: “Nasiibdaro, mid kamid ah diyaaradaheena qumaatiga u kacda oo howlgal ku jirtay ayaa ku burburtay gobolka Afrin. Labo xubnood oo kamid ah ciidamadda Turkiga ayaa ku shahiiday,”

Raysulwasaaraha ayaa sheegay in weli aysan cadeyn in diyaaradda lasoo riday isaga oo intaas ku sii daray in ay bilaabeen baaritaan.

Turkiga ayaa 20-kii Janaayo bilaabay howlgal milatari si ay xagjiriinta PYD/PKK iyo Daacish uga saaraan gobolka Afrin.

Afrin ayaa ahaa meel weyn oo ay ku dhuuntaan PYD/PKK tan iyo bishii July ee sanadkii 2012 markii rajiimka Assad ee Suuriya ay ka baxeen halkaas.

About Abdirahman Abdullahi Sheikh 241 Articles
Senior foreign news editor at Puntland Mirror. Expertise in writing military reports, geopolitics, and crime reports. Sheikh holds a bachelor of economic management and sciences and a master's degree in international relationship from International Islamic University Malaysia (IIUM).You can reach him on: abdirahman.abdullahi91@gmail.com

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*