Masar, Suudaan iyo Itoobiya oo ku guuldareystay in ay heshiis ka gaaraan muranka wabiga Niil

Wasiirka Arrimaha Dibada ee Suudaan Ibrahim Ghandour oo April 6, 2017, warbaahinta kula hadlayay Khartuum. [Xigashada Sawirka: Xinhua]
Khartuum-(Puntland Mirror) Wasiiradda Arrimaha Dibada Suudaan, Masar iyo Itoobiya ayaa ku guuldareystay in ay heshiis ka garaan muranka ka saabsan biyo xireenka balaaran ee Itoobiya ee wabiga Niil, sida ay sheegeen Wasirraddu Jimcaddii.

Masar ayaa walaac ka qabta in biyo xireenka uu si weyn u saameyn doono qaybta ay ka hesho biyaha wabiga Niil, taasoo dhammaan shacabka oo dhan ay ku tiirsanyihiin. Itoobiya ayaa sida Masar, waxay sheegtay in biyo xireenka uu yahay “xaalad nolol iyo geeri”.

Wasiirka Arrimaha Dibada ee Suudaan Ibrahim Ghandour ayaa Jimcadii sheegay in 15 saac oo wadahadalo ka socday gudaha Khartuum ay ku dhammaadeen iyadoo aan la gaarin wax heshiis ah. Saddexda dal taliyaashooda sirdoonada iyo wasiiradda waraabka ayaa sidoo kale ka qeybgalay wadahadalada.

Ghandour ayaa sheegay in dhanka kale wadahadaladu ay ahaayeen kuwo wax wax dhisaya oo muhiim ah, balse saddexda dhinac ay ku guuldareysteen in ay heshiis gaaraan.

Wasiirka Arrimaha Dibada Masar Sameh Shukri ayaa warbaahinta Masar u sheegay in ay jiri doonaan wadahadalo kale inta lagu guda jiro maalmaha soo socda.

Masar ayaa cabsi ka qabta in mashruuca biyo xireenka Itoobiya oo ay ku baxayso dhaqaale dhan $4.8 bilyan uu hoos u dhac ku keeni karo qaybtooda biyaha Niil.

Itoobiya waxay sheegtay in ay ugu baahantahay biyo xireenka horumarkeeda ayna dooneyso in ay balanqaado in Masar uusan wax saameyn ah u geysan.

Biyo xireenka ayaa hadda 63 boqolkiiba la dhammeeyay waxayna Itoobiya rajeyn in ay noqoto xarunta korontada ee Afrika marka la dhammeeyo mashruuca.

Masar ayaa sooyaal ahaan kaalin libaax ka qaadan jirtay biyaha wabiga Niil kadib heshiisyo hore oo la galay. Madaxweynayaashii hore ee Masar ayaa ka digay in iskuday walba oo biyo xireen looga dhisayo Niil ay noqon karto tilaabo milatari.

Suudaan waxay u muuqataa in ay taabacsantahay dhanka Itoobiya ee biyo xireenka waxayna muran dhanka xuduuda ah wakhti dheer la leedahay Masar.

About Abdirahman Abdullahi Sheikh 241 Articles
Senior foreign news editor at Puntland Mirror. Expertise in writing military reports, geopolitics, and crime reports. Sheikh holds a bachelor of economic management and sciences and a master's degree in international relationship from International Islamic University Malaysia (IIUM).You can reach him on: abdirahman.abdullahi91@gmail.com

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*