Trump oo Xoghayihii Arrimaha Dibada Rex Tillerson shaqada ka ceyrshay

Rex Tillerson, Xoghayaha Arrimaha Dibada Mareykanka ee shaqada laga ceyrshaya. [Xigashada Sawirka: AFP/Getty Images]
Washington-(Puntland Mirror) Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa maanta oo Talaado ah xilka ka qaaday Xoghayihii Arrimaha Dibada Rex Tillerson, waxaana badali doona agaasimaha CIA, Mike Pompeo.

Donald Trump ayaa boggiisa Twitter-ka ugu mahadceshay Tillerson shaqada uu soo qabtay.

Mt Tillerson, oo ahaa agaasimihii hore ee ExxonMobi, ayaa xilka loo magacaabay sanad kahor.

Madaxweyne Trump ayaa sidoo kale Gina Haspel u magaacabay in ay noqoto haweenaydii kowaad oo agaasime ka noqota CIA.

About Abdirahman Abdullahi Sheikh 240 Articles
Senior foreign news editor at Puntland Mirror. Expertise in writing military reports, geopolitics, and crime reports. Sheikh holds a bachelor of economic management and sciences and a master's degree in international relationship from International Islamic University Malaysia (IIUM).You can reach him on: abdirahman.abdullahi91@gmail.com

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*