Turkiga oo dhoolatus milatari ka bilaabay meel u dhow xadka uu la wadaago Ciraaq

Turkiga oo dhoolatus milatari ka bilaabay meel u dhow xadka uu la wadaago Ciraaq. [Xigashada Sawirka: Anadolu]
Ankara-(Puntland Mirror) Turkiga ayaa dhoolatus milatari ka bilaabay xadka ay la wadaagaan Ciraaq maanta oo Isniin ah, ciidamada milatariga ayaa bayaan kooban oo ay soo saareen ku sheegay sida ay ku warantay wakaalada wararka Turkiga ee Anadolu.

Dhoolatuska ayaa imaanaya hal asbuuc kahor gobolka Kurdiyiinta ee waqooyiga Ciraaq oo qaban doona afti madax-banaani taasoo Turkiga iyo beesha caalamka ay kasoo horjeesteen.

Bayaanka kooban oo ay ciidamada soo saareen ayay ku sheegeen in dhoolatuska uu ka bilaabmay deegaanada Silopi iyo Habur ee gobolka Sirnak.

Deegaanku wuxuu ku fadhiyaa waqooyiga xuduudaha Suuriya iyo Ciraaq wuxuuna ka koobanyahay xudduudka Habur, taasoo siinaysa dowladda Kurdida ee ku taal waqooyiga Ciraaq.

Dhamaan xuduudaha Suuriya ee ka soo jeeda Silopi waxay ku yaalaan dhulka ay gacanta ku hayaan PKK / PYD. Hawlgallada lagula dagaallamayo argagixisanimada ee lagu beegsanayo PKK ee dhinaca Turkiga ee xuduudka ayaa soconaya, sida lagu sheegay bayaanka.

PKK ayaa ku jirta liiska argagixisada ee Midowga Yurub iyo Maraykanka iyo sidoo kale Turkiga, inkasta oo Turkigu kaliya uu u magacaabay PKK / PYD sidii koox argagixiso ah oo Suuriya ah.

Turkiga, Maraykanka, Ciraaq, iyo Qaramada Midoobay ayaa dhammaantood ka soo horjeestay aftida Sept. 25, ee waqooyiga Ciraaq, iyagoo sheegay in doorashadu ay mashquulin doonto hawlaha ka dhanka ah Daacish oo keenaysa xasillooni darro ka jirta gobolka.

About Abdirahman Abdullahi Sheikh 240 Articles
Senior foreign news editor at Puntland Mirror. Expertise in writing military reports, geopolitics, and crime reports. Sheikh holds a bachelor of economic management and sciences and a master's degree in international relationship from International Islamic University Malaysia (IIUM).You can reach him on: abdirahman.abdullahi91@gmail.com

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*