
Abuja-(Puntand Mirror) Saddex qof oo isa soo miidaamiyay ayaa isku qarxiyay suuq kalluun oo kuyaala magaalada Konduga ee waqooyiga-bari ee dalka Nayjeeriya maanta oo Sabti ah, waxaana ku dhintay ugu yaraan 19 qof, sida ay sheegeen ilo-wareedyo haayadaha ammaanka katirsan.
Intooda badan dadka ku dhintay qaraxa ayaa ahaa shacab. Ugu yaraan 50 qof oo kale ayaa ku dhaawacmay.
Ururka Booko Xaaraam ayaa lagu eedeeyay qaraxaas, inkastoo aysan weli sheegin in ay iyagu ka dambeeyaan.
Booko Xaaraam ayaa dishay dad gaaraya 20,000 waxayna barakicisay in ka badan labo milyan tan iyo markii ay sanadkii 2009 bilaabeen ololahooda ay ku rabaan in maamul Islaamiya ay ka dhisaan waqooyiga dalka.
Booko Xaaraam weli waxay wadaa weerarada dhimashada leh iyada oo dowladda Nayjeeriya ku andacoonayso in ay ka adkaadeen maleeshiyada Booko Xaaraam.
Related Posts
February 8, 2018 Madaxweyne Farmaajo oo joojiyay xuska sanadguuradiisa kowaad ee xil heynta, amrayna fidinta adeegyo caafimaad oo lacag la’aan ah
August 27, 2016 Isfahanwaa ku saabsan dhaqaalaha ku baxaya doorashooyinka Soomaaliya oo u dhaxeeya DFS iyo deeq-bixiyeyaasha
April 3, 2018 Milatariga Mareykanka oo sideed duqeymood ka geystay gudaha Soomaaliya tan iyo 2018
May 1, 2017 At least four died in car collision in Garowe
Be the first to comment