Somaliland

Ciidamada isa soo dhiibay ayaa gaaraya 160 askari. [Sawirka: PLTV]

Ciidamo katirsanaa Somaliland oo isku soo dhiibay Puntland

Garowe-(Puntland Mirror) Ciidamo gaaraya 160 askari oo katirsanaa maamulka Somaliland ayaa isku soo dhiibay Puntland, sida uu baahiyay taleefishinka dowladda Puntland ee PLTV Axadii. Ciidamada ayaa ku sugnaa deegaanka Caroweyn ee gobolka Ceyn, sida uu PLTV sheegay. Xildhibaano katirsan Puntland oo joogay goobta ciidamadda lagu soo bandhigay, ayaa soo dhaweeyay ciidamadda isa soo dhiibay, waxayna balanqaadeen in xuquuqdooda ay ka[Read More…]

Ciidamo katirsan Puntland oo difaac uga jira tuulada Tukaraq ee gobolka Sool. [Sawirka]

Ciidamadda Puntland iyo Somaliland oo isku dhac ku dhexmaray meel u dhow Tukaraq

Garoowe-(Puntland Mirror) Ciidamo katirsan Puntland iyo Somaliland ayaa isku dhac ku dhexmaray meel u dhow tuulada Tukaraq ee gobolka Sool subaxnimadii saakay oo Axad ah, sida ay sheegeen ilo-wareed ciidamada ah. “Isku dhac u dhaxeeya Puntland iyo Somaliland ayaa ka bilaabmay meel u dhow Tukaraq, balse hadda waa joogsaday,” ilo-wareedka, oo codsaday in magaciisa la qariyo ayaa sidaa u sheegay[Read More…]

Wakiilka Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya Michael Keating. [Xigashada Sawirka: UNSOM]

Wakiilka Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya oo ka digay in xiisada u dhaxeysa Puntland iyo Somaliland ay keeni karto rabshad

Garoowe-(Puntland Mirror) Wakiilka Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya ayaa ka digay in xiisada sii kordheysa ee u dhaxeysa Puntland iyo Somaliland ee ku saabsan gobolka Sool ay keeni karto rabshad. “Waxaa jira muran aad u daran oo wakhti-dheer ah oo u dhaxeeya Puntland iyo Somaliland, gaar ahaan ismari waaga hubeysan ee gobolka Sool, waxa uu keeni karaa rabshad maalmaha soo[Read More…]

Madaxweyne Ku Xigeenka maamulka Somaliland oo safar aan horey loo sheegin ku tagay tuulada Tukaraq iyadoo uu jiro muranka xadka

Madaxweyne Ku Xigeenka maamulka Somaliland oo safar aan horey loo sheegin ku tagay tuulada Tukaraq iyadoo uu jiro muranka xadka

Garoowe-(Puntland Mirror) Madaxweyne Ku Xigeenka maamulka Somaliland Cabdiraxman Cabdullaahi Saylici ayaa maanta oo Isniin ah safar aan horey loo sheegin ku tagay tuulada Tukaraq ee gobolka Sool. Madaxweyne Ku Xigeenka ayaa kormeeray saldhigyada ciidamada Somaliland ay ku leeyihiin deegaanka, waxaana uu la kulmay saraakiisha ciidamadda, sida ay ilo-wareedyadu sheegeen. Safarka Saylici ayaa imaanaya iyadoo muranka xadka ee u dhaxeeya Puntland[Read More…]

afhayeenka ciidamada Daraawiishta Puntland Maxamuud Maxamed Axmed oo loo yaqaan Gubadle . [Sawirka]

Afhayeenka Ciidamada Daraawiishta Puntland oo sheegay in ciidankoodu uu gaari doono xadka ugu dambeeya ee ay la wadaagaan Somaliland

Garoowe-(Puntland Mirror) Afhayeenka Ciidamada Daraawiishta Puntland ayaa sheegay in Puntland ay gobolka Sool oo dhan ay ka xoreyn doonto maamulka Somaliland. “Meesha ciidamada Puntland ay ku socdaan maahan keliya Tukaraq balse waa dhulka Puntland ka maqan oo dhan, xad ahaan marka la eego ciidamadeenu waxay gaari doonaan Labida Gaatama, waxaan doonayaa in dadka shacabka ah ay ogaadaan in barnaamijku saas[Read More…]

[Sawirka] intii lagu guda jiray shir saxaafadeedka Wasiirka Warfaafinta Puntland Cabdi Xirsi Cali ee Boosaaso maanta oo Talaado ah.

Wasiirka Warfaafinta Puntland oo Somaliland ku eedeeyay in ay ka dambeyso dhibbaatooyinka Al-Shabaab ee buuraha Galgala

Boosaaso-(Puntland Mirror) Wasiirka Warfaafinta Puntland Cabdi Xirsi Cali ayaa ku eedeeyay maamulka Somaliland in ay taageeraan maleeshiyada Al-Shabaab, waxa uu ka sheegay shir saxaafadeed uu ku qabtay magaalada Boosaaso maanta oo Talaado ah. “Waxaan ogahay dhibbaatada Al-Shabaab ee ka jirta buuraha Galgala ee gobolka Bari in 85% ay Somaliland qeyb ka tahay,” ayuu yiri. Maalmihii dhawaa ee lasoo dhaafay, xiisada[Read More…]

[Sawirka: Madaxweynaha Puntland Cabdiweli Maxamed Cali intii lagu guda jiray shir saxaafadeedkii xalay oo Arbaco ahayd.

Madaxweynaha Puntland oo sheegay in Somaliland ay cawaaqib xumo kala kulmi doonto weerarka gardarada ah ay ku soo qaatay dhulka Puntland

Garoowe-(Puntland Mirror) Madaxweynaha Puntland ayaa wacad ku maray in Somailand ay cawaaqib xumo kala kulmi doonto weerarkeeda gardarada ah ee ay kusoo qaaday dhulka Puntland. Isaga oo ka hadlayay shir saxaafadeed xalay oo Arbaco ahayd lagu qabtay madaxtooyada, Cabdiweli Maxamed Cali ayaa yiri: “Dowladda Puntland waa ay ku filantahay difaaca dhulkeeda iyo dadkeeda, waxaana u sheegayaa maamulka Hargeysa duulaanka ay[Read More…]

Sawirka: Mid kamid ah baabuurta rakaabka ee ka dhex shaqeeya Puntland iyo Somaliland.

Puntland oo joojisay baabuurta rakaabka ee ka dhex shaqeeya Puntland iyo Somailand

Garoowe-(Puntland Mirror)Puntland ayaa joojisay baabuurta rakaabka ee ka dhex shaqeeya Puntland iyo Somailand, sida uu sheegay guddoomiyaha gobolka Nugaal xalay. “Laga bilaabo caawa oo taariikhdu tahay 8,1, 2018, saacadu markii la gaaro lixda saac waxaa la joojiyay wax walba oo gaadiid ah oo u socda gobolada isku magacaabay Somaliland,” ayuu yiri guddoomiyaha gobolka Nugal Cumar Cabdullaahi Faroweyne oo la hadlay[Read More…]

Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa shalay oo Axad ahayd safarkiisii ugu goreeyay ku yimid Puntland. [sawirka]

Puntland oo ku eedaysay Somaliland in ay dagaal soo qaadeen si ay u carqaladeeyaan safarka Madaxweyne Farmaajo

Garoowe-(Puntland Mirror) Dowladda Puntland ayaa maanta oo Isniin ah ku eedaysay Somaliland in ay dagaal ku soo qaatay Puntland si ay u carqaladeeyaan safarka Madaxweynaha Soomaaliya ee Puntland. “Abaarihii shanta aroornimo ay duulaan qar iska xoornimo ah ciidanka Somaliland kusoo qaadeen deegaanka Tukaraq ee gobolka Sool, kaasoo loola jeedo in lagu carqaladeeyo safarka Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi[Read More…]

Sawirka: Askari katirsan ciidamada Puntland oo ku sugan tuulada Tukaraq.

Dagaal culus oo u dhaxeeya Puntland iyo Somaliland oo ka qarxay tuulada Tukaraq

Garoowe-(Puntland Mirror) Dagaal culus oo u dhaxeeya Puntland iyo Somaliland ayaa ka qarxay tuulada Tukaraq, sida ay sheegeen dadka deegaanka iyo ilo-wareedyo ammaanka ah. Dagaalka ayaa yimid kadib markii ciidamo katirsan Somaliland ay weerar ku soo qaadeen Puntland subaxnimadii hore maanta oo Isniin ah.

Scroll Up