Dagaal dhexmaray jabhada uu hoggaamiyo Kornayl Caare iyo ciidamada maamulka Somaliland

Kornayl Caare. [Sawir Hore]
Ceerigaabo-(Puntland Mirror) Dagaal ayaa maanta oo Sabti ah gobolka Sanaag ku dhexmaray ciidamada maamulka Somaliland iyo jabhada uu hoggaamiyo Kornayl Caare.

Dagaalka maanta ayaa ka dhacay buurta Tabca taasoo u dhow magaalada Ceerigaabo, sida ay sheegeen ilo-wareedyo deegaanka ku sugan.

Waxaa jira khasaare ka dhashay dagaalka oo soo gaaray labada dhinac ee diriray, balse tirada saxda ah lama hayo weli.

Madaxweynaha maamulka Somaliland oo kulan deg-deg ah ku qabtay magaalada Hargeysa kadib dagaalkii maanta, ayaa warbaahinta u xaqiijiyay in dagaal uu dhacay, waxaana uu intaas ku daray in xaaladu hadda ay degantahay ayna socdaan wadahadalo nabadeed.

Kornayl Siciid Cawil Jaamac oo loo yaqaan Caare oo horey uga tirsanaan jiray ciidamada Somaliland ayaa ka goostay sanadkii 2017 waxaana uu asaasay jabahad uu ugu yeeray “dulmi diid”.

Jabahadda uu hoggaamiyo Kornayl Caare ayaa horaantii bishaan ka guurtay saldhigeedii hore ee magaalada Qardho ee gobolka Karkaar, Puntland, waxayna u guureen deegaano kuyaala gobolka Sanaag.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*