Somaliland oo wajahaysa dhaqaale xumo uu sababay dagaalka Sool

Wasiirka Maaliyadda Somaliland Sacad Cali Shire. [Sawir Hore]

Hargeisa-(Puntland Mirror) Maamulka Somaliland ayaa wajahaya dhaqaale xumo ka dhashay duruufo isbiirsaday oo ay ugu weyntahay dagaalka gobolka Sool, sida ay sheegeen masuuliyiinta Somaliland.

Wasiirka horumarinta beeraha Somaliland Cabdulqaadir Imaan Warsame ayaa oo la hadlayay golaha wakiilada Somaliland shalay oo Axad ahayd ayaa sheegay in dhaqaale xumo soo wajahday maamulka Somaliland taasoo keentay in la bixin waayo mushahaarka golaha wasiiradda.

Waxa uu sheegay in suuqii Waaheen ee Hargeysa ee gubtay, ganacsigii oo dekadii Berbera ka wareegay iyo suuqii Wajaale oo xirmay iyo dagaalka Laascaanood uu hoos dhac ku keenay miisaaniyadda dowladda.

Dhanka kale, Wasaaradda Maaliyadda Somaliland ayaa joojisay dhammaan canshuur dhaafyada, sid ku cad waraaq uu soo sooray wasiirka maaliyadda Sacad Cali Shire oo uu baahiyay taleefishinka maamulka Somaliland.

Maamulka Somaliland ayaa tan iyo bilowgii Febaraayo sanadkan dagaal dhiig badan ku daatay kula jiray dadka deegaanka SSC-Khatumo gobolka Sool gaar ahaan magaalada Laascaanood, oo Somaliland ay xoog ku haysatay tan iyo sanadkii 2007.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*