Somaliland oo toogasho ku fulisay xubno katirsan Al-Shabaab markii ugu horeysay

Xabsi kuyaala Somalliland. [Sawir Hore]
Hargeysa-(Puntland Mirror) Maamulka Somaliland ayaa maanta oo Arbaco ah toogasho ku fuliyay lix qof oo loo haysto dambiyo kala duwan, sida ay sheegeen ilo-wareedyo dhanka ammaanka katirsan.

Labo kamid ah lixda nin ayaa lagu eedeeyay in ay kamid ahaayeen maleeshiyada Al-Shabaab, sida ilo-wareedlku sheegay.

Toogashada ayaa ka dhacday xabsiga Mandheere, oo qiyaastii 95 kiilomitir dhanka waqooyiga ka xiga magaalada Hargeysa ee caasimada maamulka Somaliland.

Waa markii ugu horeysay oo ay Somaliland fuliso toogasho ka dhan ah maleeshiyada Al-Shabaab ee fadhigeedu yahay koonfurta Soomaaliya.

Afarta nin ee kale oo la toogtay ayaa lagu eedeeyay in ay geysteen dilal, ilo-wareedka ayaa intaas ku daray.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*