Weerarka ayaa subaxnimadii hore ee Isniinta ka dhacay deegaanka Gambare ee gobolka Sool, sida ay warbaahinta u sheegeen ilo-wareedyo dadka deegaanka ah.
Maleeshiyada deegaanka ee weerarka qaaday ayaa waxaa hoggaaminayay nin la dhaho Kornayl Faysal Falaalug, sida ilo-wareedyadu intaas ku dareen.
Wasiirka Gaashaandhiga Somaliland Ciise Axmed Yuusuf oo la hadlay laanta Af-Soomaaliga ee BBC ayaa cadeeyay in weerarku dhacay, balse waxa uu diiday in dhimasho soo gaartay ciidamadooda, isaga oo sheegay in dhaawac keliya uu soo gaaray ciidankooda.