Maamulka Somaliland oo raba in uu saldhigyo ciidan badeed siiyo Britain iyo Russia

Markab dagaal oo taagan bad. [Sawir Hore]
Hargeysa-(Puntland Mirror) Maamulka Somaliland ayaa doonaya in uu martigeliyo saldhigyo ciidan badeed oo ay leeyihiin UK iyo Russia.

Asbuucaan, xoghayaha difaaca Britain Gavin Williamson ayaa safar aan horey loo sii sheegin ku tagay Somaliland isaga oo la kulmay madaxweyne Muuse Biixi Cabdi, wasiirka arrimaha dibada Yaasiin Xaaji Maxamuud, iyo wasiirka gaashaandhiga Ciise Axmed iyo si lamid ah Nuux Ismaaciil Taani, oo ah taliyaha ciidamada maamulka Somaliland.

Axmed Xasan Cigaal, madaxa qunsuliyada Somaliland ee Itoobiya ayaa u xaqiijiyay wakaalada wararka Turkiga ee Anadolu in iskaashiga ciidamada, iyo arrimo kale oo ay ku jirto asaasida saldhig ciidan badeed oo UK leedahay ay kamid ahayd arrimaha ay ka wadahadleen xoghayaha difaaca Britain iyo masuuliyiinta Somaliland.

“Waxaa Somaliland ka jira istiraatiijiyad muhiim ah. Qaybo kamid adduunka ayaa jeclaan lahaa in ay yimaadaan halkaas, xoghayaha difaaca Britain ayaa tagay Somaliland. Waxaan ognahay in Britain ay xiriir sooyaal la leedahay Somaliland… xaalada ammaan darteed, Britain aad bay u xiisaynaysaa,” ayuu yiri Cigaal.

Mar la weydiiyay in Russia uu doonayo in uu saldhig ka sameysto xeebaha Somaliland, waxa uu yiri: “Waxaanu doonaynaa in aanu ku casumno cid walba oo rabta in ay timaado Somaliland.”

Imaaraatka Carabta ayaa  sanadkii lasoo dhaafay heshiis uu saldhig milatari uga dhisanayo magaalo xeebeedka Berbera la galay maamulka Somaliland, balse Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa kasoo horjeesatay heshiiskaas, iyadoo ku tilmaantay “waxba kama jiraan” kana codsatay Qaramada Midoobay in ay tilaabo ka qaado.

Somaliland oo kutaala waqooyiga Soomaaliya oo sheegtay in ay ka go’day Soomaaliya 1991, ayaan wax aqoonsi ah ka helin caalamka tan iyo xilligaas.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*