Xadka u dhaxeeya Itoobiya iyo Eriteeriya oo dib loo furay 20 sanno kadib

Raysulwasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed iyo Madaxweynaha Eriteeriya Isaias Afwerki intii lagu guda jiray munaasabadii dib u furista xadka. [Sawirka]
Addis Ababa-(Puntland Mirror) Itoobiya iyo Eriteeriya ayaa u dabaaldegaya dib u furida labo meelood oo muhiim u ah isku socoda in ka badan 20 sanno kadib markii la xiray dagaalkii xadka.

Boqolaal qof oo ka kala socda labada dal ayaa xabadka is-gashay iyada oo ay munaasabada hormuud u ahaayeen hoggaamiyaasha labada dal.

Waxay ahayd calaamadihii ugu dambeeyay ee dib u heshiisiinta labada dal oo horey u ahaa cadow.

Raysulwasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed iyo Madaxweynaha Eriteeriya Isaias Afwerki ayaa wada saxiixday heshiiska nabada bishii lasoo dhaafay ee July, kaasoo dib u soo celiyay xiriirka diblomaasiyadeed iyo midka ganacsi ee ka dhaxeeya labada dal.

Dib u furista ayaa timid sanadka cusub ee Itoobiya oo hadda loo dabaaldegayo.

Dagaalka dhexmaray labada dal ayaa bilaabmay bishii May ee sanadkii 1998, waxaana ku naf waayay kumanaan qof.

Dib u furista Bure waxaay Itoobiya oo aan bad lahayn u fududeyn badda. Deegaan kale oo xadka kuyaala oo u dhow magaalada kutaala xadka Itoobiya ee Zalambessa ayaa sidoo kale la furay.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*