Baarlamaanka dowlada Puntland oo dhageysanaya khudbadaha murashaxiinta aqalka sare

faroole
Madaxweynihii hore ee Puntland Cabdiraxmaan Faroole oo ku sugan aqalka baarlamaanka si uu ugu tartamo xubinta aqalka sare. [Xuquuqda Sawirka: Puntland Post]
Garoowe-(Puntland Mirror) Waxaa goor-dhoweyd ka bilaabantay aqalka baarlamaanka dowlada Puntland ee Garoowe dhagaysiga khudbadaha ee murashaxiinta u taagan in ay Puntland u matalaan aqalka sare ee Soomaaliya.

Dhamaan murashaxiinta u taagan aqalka sare ayaa ku sugan goobta sida uu Puntland Mirror u sheegay mid kamid ah xoghaynta baarlamaanka, waxaana la filayaa in mid walba uu soo jeediyo taarikh nololeedkiisa ku saabsan waxbarashadiisa iyo shaqooyinka uu soo qabtay.

Kadib dhageysiga khudbadaha, beri oo Khamiis ah ayaa la filayaa in baarlamaanka uu u codeeyo murashaxiinta waxaana ay dooran doonaan 11-ka xubnood ee Puntland u matali doona aqalka saree e faderaalka.

About Abdi Omar Bile 749 Articles
An online journalist and editor, with a decade of experience covering security and business issues, Puntland and entire Somalia.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*