Ugu yaraan labo qof oo ku dhimatay weerar madfac Baydhabo

Dadkii ku dhaawacmay weerarka oo ladu daaweynayo isbitaal kuyaala, Baydhabo. Sawirka: Sonna.

 

Baydhabo-(Puntland Mirror) Ugu yaraan labo qof ayaa ku dhimatay 18 kalena waa ay ku dhaawacmeen weerar madfac oo lagu weeraray magaalada Baydhabo ee koonfur galbeed Soomaaliya, sida uu sheegay sarkaal.

“Qaraxyada madfaca waxaa ku dhintay labo qof oo shacab ah waxaana ku dhaawacmay 18 qof oo kale,” Cabdulaahi Cali Watiin oo ah guddoomiyaha degmada Baydhabo ayaa sidaa u sheegay wariyeyaasha.

Ma jirto cid si dhaqso ah u sheegatay masuuliyada werarka, balse kooxda hubaysan ee al-Shabaab ayaa horey u qaatay weeraro kan lamid ah.

About Abdi Omar Bile 748 Articles
An online journalist and editor, with a decade of experience covering security and business issues, Puntland and entire Somalia.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*