Madaxweynaha Soomaaliya oo ka qeybgalay shirka iskaashiga Japan iyo Afrika oo ka furmay Tokyo

Madaxweyne Farmaajo oo ka qeybgalaya shirka Japan iyo Afrika. [Isha Sawirka: Xafiiska Warfaafinta Villa Somalia]
Tokyo-(Puntland Mirror) Madaxweynaha dowladda federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ka qeybgalay shirka iskaashiga Japan iyo Afrika oo maanta oo Arbaco ah ka furmay caasimada Japan ee Tokyo.

Shirka oo saddexdii sannoba mar la qabto, ayaa waxaa ka qeybgalay Raysulwasaaraha Japan Shinzo Abe iyo hoggaamiyaasha tobonaan dal oo Afrikan ah.

Japan ayaa bixin doonta caymis ganacsi si kor loogu qaado maalgashiga ganacsiga gaarka loo leeyahay ee Afrika, Raysul Wasaaraha Shinzo Abe ayaa ka sheegay shirka.

“Dowladda Japan waxay samayn doontaa awoodeeda ugu saraysa sidaa darteed maalgashiyada waaxdeena gaarka loo leeyahay ee qaarada Afrika, kaasoo saddexdii sanno ee la soo dhaafay noqday $20 bilyan, uu balaaran doono,” Abe ayaa intaas ku sii daray.

Shirkii ugu dambeeyay ee labada dhinac u dhaxeeyay ayaa ka dhacay caasimada Nairobi ee dalka Kenya sanadkii 2016, Japan ayaa markaas balanqaaday $30 bilyan oo taageero dhaqaale ah oo ay gelin doonto horumarinta kaabayaasha dhaqaalaha, waxbarashada iyo daryeelka caafimaadka ee qaaradda Afrika muddo saddex sano ah.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*