Ciidamada Dowladda Federaalka Soomaaliya oo sheegay in sargaal katirsan Al-Shabaab ay ku dileen magaalada Marka

Dagaalyahan Al-Shabaab ah. [Sawir Hore]

Muqdisho-(Puntland Mirror) Ciidamada Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegay in ay dileen sargaal katirsan maleeshiyada Al-Shabaab.

Taliyaha Guutada 14-ka Oktoobar ee ciidamada Dowladda Federaalka Soomaaliya Gaashaanle Dhexe Axmed Cabdi Cali ayaa warbaahinta dowladda u sheegay in ay dileen sargaal katirsan Al-Shabaab xalay oo Arbaco ahayd.

Sargaalka oo lagu magacaabay Xuseen macalin Mujaahid Zubeyr ayaa la dilay kadib markii maleeshiyaad katirsan Al-Shabaab ay weerar ku qaadeen gudaha degamada Marka ee gobolka Shabeellaha Hoose.

Sargaalka la dilay ayaa ahaa ku xigeenka madaxa amniyaadka Al-Shabaab ee magaalada Marka, sida uu sheegay taliyuhu.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*