Sawiro: Howlgal ay wadajir uga sameeyeen Gaalkacyo ciidamada PSF iyo Danab oo lagu soo qabtay hub iyo gaari uu lahaa sarkaal Al-Shabaab ah

Land cruiser3
Gaariga Land cruiser-ka ah oo ay ciidamada soo qabteen.

Gaalkacyo-(Puntland Mirror) Ciidamada PSF Puntland iyo kuwa dowlada federaalka Soomaaliya ee Danab ayaa maanta oo Isniin ah kusoo qabtay magaalada Gaalkacyo hub iyo gaari.

Gaariga iyo hubka ayaa ciidamada sheegeen inuu lahaa sarkaal Al-Shabaab ah, oo la dhaho Nuur Deeq, kaasoo Al-Shabaab u qaabilsanaa dilalka ka dhaca magaalada Gaalkacyo.

Land cruiser2
Gaariga Land cruiser-ka ah oo ay ciidamada soo qabteen.

Gaariga ayaa ah Land Cruiser gaar ahaan nooca Soomaalida u taqaan (Laylo Calaawi), waxaana gaarigaas oo lahaa ilaa iyo afar taariko loo adeegsan jiray dilalka khaarajinta ah ee ka dhaca magaalada, sida ay sheegeen saraakiisha ciidamada.

taarikooyin iyo qoryo
Afar taariko oo gaariga lahaa iyo labo qori oo AK 47 ah oo ay ciidamada soo qabteen.

Dhawaan ayaa howlgal wadajir ah oo ay ciidamada kumaandooska Puntland iyo kuwa dowlada federaalka ay ka fuliyeen koonfurta magaalada Gaalkacyo waxay kusoo qabteen ilaa iyo shan sarkaal oo Al-Shabaab ah oo uu ku jiro sarkaal ajnabi ah oo kooxda Al-Shabaab u qaabilsanaa farsamada qaraxyada.

land cruiser
Gaariga Land cruiser-ka ah oo ay ciidamada soo qabteen.

Wali waxaa socda howlgalo wadajir ah oo ay wadaan labada ciidaan ee iskaashanaya.

Intii lagu guda jiray sanadkan 2016-ka ayaa waxaa magaalada Gaalkacyo ka dhacay weeraro badan oo lagu dilay saraakiil katirsanaa dowlada Puntland oo uu kamid ahaa madaxii wasaarada maaliyada Puntland ee gobolka Mudug, Siciid Cali Yuusuf (Gaadayare), kaasoo ay dilkiisa sheegteen kooxda Al-Shabaab.

About Puntland Mirror 877 Articles
Puntland Mirror is a website news provider based in Puntland’s capital, Garowe, Somalia. Puntland Mirror is an independent online source providing you the latest update stories from Puntland, Somalia and around the World.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*