Madaxweynaha DFS Xasan Shiikh Maxamuud oo qurbajoogta Soomaalida ku amaanay kaalintooda horumarineed ee dalka

Madaxweyne Xasan
Madaxweynaha dowlada federaalka Soomaaliya Xasan Shiikh Maxamuud .

Muqdisho-(Puntland Mirror) Madaxweynaha dowlada federaalka Soomaaliya Xasan Shiikh Maxamuud ayaa ku amaanay qurbajoogta Soomaaliyeed kaalinta ay ku leeyihiin hrorumarinta dalka.

Madaxweynaha oo ka hadlayay shirka qurbajoogta oo shalay oo Isniin ahayd lagu soo gabagabeeyay caasimada Soomaaliya, Muqdisho, ayaa ugu baaqay qurbajoogta Soomaalida inay sii labanlaabaan dadaaalkooda ku aaddan dib u dhiska iyo horumarinta dalkooda hooyo.

“Qurbajoogta dadaal badan oo muuqda ayay sameeyeen si ay wadankooda wax ugu qabtaan, doorka ay cayaareenna waa mid dalka wax badan ka bedelay. Fariinta aan u dirayaa dhammaan qurbajoogta waxay tahay inay shaqada wanaagsan ee ay hayaan ay meesha ka sii wadaan, inay midnimadooda adkeeyaan iyo inay saameyn waxtar leh ku yeeshaan waddamada ay ku nool yihiin’’, ayuu yiri Madaxweynaha.

Ugu dambayna, qurbajoogta Soomaalida ayaa kaalin weyn ka qaadatay dib u dhiska dalka markii ay burburtay dowladii dhexe, sanad walba qurbajoogta Soomaalida ee caalamka ku nool ayaa lagu qiyaasa in ay 1.2 bilyan dollar ay u soo diraan qoysaskooda dalka ku nool.

About Puntland Mirror 876 Articles
Puntland Mirror is a website news provider based in Puntland’s capital, Garowe, Somalia. Puntland Mirror is an independent online source providing you the latest update stories from Puntland, Somalia and around the World.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*