Madaxweynaha dalka Kenya Uhuru Kenyatta oo safar aan la ogeyn ugu tagay ciidamada Kenya ee ku sugan gudaha Soomaaliya

Madaxweyne Uhuru Kenyata. [Sawirka: Standard Digital]
Madaxweyne Uhuru Kenyata. [Xigashada Sawirka: Standard Digital]
Nairobi-(Puntland Mirror) Madaxweynaha dalka Kenya Uhuru Kenyatta ayaa maanta oo Sabti ah safar aan horey loo sheegin ku tagay gudaha Soomaaliya si uu kulan u la yeesho ciidamada difaaca Kenya (KDF) ee ka tirsan Howlgalka Midowga Afrika (AMISOM) ee saldhiga milatari ku leh deegaanka Dhoobley ee u dhow xadka Kenya.

Madaxweyne Uhuru sidoo kalena ah taliyaha ciidamada qalabka sida ee Kenya ayaa isaga oo ku labisan dharka tuutaha ciidamada Kenya kulan la yeeshay ciidamada dalkiisa ee ku sugan halkaas, waxaana uu uga mahadceshay sida ay naftooda ugu hureen difaaca dalkooda hooyo.

Madaxweynaha ayaa u sheegay askarta in Kenya ay uga mahadcelinayso dagaalka ay kula jiraan khatarta Al-Shabaab.

“Joogitaankiina halkan gudaha Soomaaliya waxay badbaadisay nafaf badan,  Kenya mar walba waa ay idiin kaga mahadcelinaysaa. Joogitaankiina halkan ugu yaraan waxay dadka ka xoreysay baqdinta Al-Shabaab,” ayuu yiri Madaxweyne Uhuru.

Waxa uu ku daray: “Waxaanu lasoo noqonay howlihii dalxiiskeena waxaan uga mahadcelinaynaa waa idinka sida aad u sugaysaan dalkeena,”

Uhuru ayaa sheegay in marka Soomaaliya ay yeelato ciidamo adag ay ciidamada Kenya dib ugu noqon doonaan dalkooda.

“Waxaanu kala hadlaynaa dowladda cusub ee Soomaaliya in ay muhiimada siiyaan dhismaha ciidamadooda sidaa darteed waxaad dib ugu soo noqon doontaan dalkiina. Taasi waa istiraatiijiyadayada bixitaanka,” ayuu yiri Madaxweyne Kenyata.

Kenya ayaa ciidamo ka badan boqol askari ku weyday labo weerar oo ay maleeshiyada Al-Shabaab la beegsadeen saldhigyo miltari oo ay ku lahaayeen deegaanka Ceel Cade ee gobolka Gedo iyo deegaanka Kulbiyow ee gobolka Jubbada Hoose, weeraradaas ayaa dhacay bishii Janaayo ee sanadkii lasoo dhaafay 2016-ka iyo bishii Janaayo ee sanadkan 2017-ka.

About Abdi Omar Bile 749 Articles
An online journalist and editor, with a decade of experience covering security and business issues, Puntland and entire Somalia.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*