Madaxweyne ku xigeenka Puntland oo shacabka Gaalkacyo kala qaybgalay salaada Ciida Adxaha oo lagu oogay garoonka kubada cagta ee Cawaale

camay-gaalkacyo
Madaxweyne ku xigeenka dowlada Puntland Cabdixakiin Cumar Camay oo salaada Ciida Adxaha ku oogay garoonka Cawaale ee Gaalkacyo. Sawirka: Xafiiska warfaafinta madaxtooyada Puntland.

Gaalkacyo-(Puntland Mirror) Madaxweyne ku xigeenka dowlada Puntland Cabdixakiin Cumar Camay iyo xubno ka tirsan golayaasha dowlada ayaa saakay oo Isniin ah shacabka magaalada Gaalkacyo kala qaybgalay salaada Ciida Adxaha oo lagu oogay garoonka kubada cagta ee Cawaale.

Salaada kadib, madaxweyne ku xigeenka Puntland ayaa khudbad ka jeediyay goobta, waxaa uuna munaasabada Ciida Adxaha ugu hambalyeeyay shacabka reer Puntland.

Camay ayaa khudbadiisa uga hadlay arrimaha amaanka iyo go’aamada ay dowlada kusoo rogtay baabuurta ka timaada koonfurta Soomaaliya, waxaana uu sheegay in ujeedada ay go’aankaas u soo rogeen uu yahay tallaabooyin dheeraad ah oo lagu xaqiijinayo amaanka Puntland.

Ugu dambayna gobolada kala duwan ee Puntland ayaa dhamaan si weyn looga ciiday maanta.

About Puntland Mirror 877 Articles
Puntland Mirror is a website news provider based in Puntland’s capital, Garowe, Somalia. Puntland Mirror is an independent online source providing you the latest update stories from Puntland, Somalia and around the World.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*