Burcad-badeeda Soomaaliya oo sii daysay maxaabiis ay haysteen ku dhawaad shan sanno

Nin burcad-badeeda Soomaaliya ah oo taagan xeeb u dhow Hobyo sanadkii 2010. [Sawirka: AP]
Nin burcad-badeeda Soomaaliya ah oo taagan xeeb u dhow Hobyo sanadkii 2010. [Sawirka: AP]
Gaalkacyo-(Puntland Mirror) Burcad-badeeda Soomaalida ayaa sii daysay 26 bad-maax oo Asian ahaa oo ay ku haysteen dooni yar in ka badan afar sanno, sida uu sheegay khabiir bad-mareen ah shalay oo Sabti ahyd.

Bad-maaxyada oo ka yimid, China, Philippines, Cambodia, Indonesia, Vietnam iyo Taiwan ayaa laga qafaashay meel u dhow biyaha dalka Seychelles bishii Maarso 2012-kii.

Wakhtiga afduubashada ayaa ahaa kii ugu dheeraa oo afduub ahaan burcad-badeeda Soomaaliya ay u haystaan dad.

“Waxaan aad ugu faraxsanahay in aan iclaamino sii daynta kooxdii Naham 3 saakaydan hore,” sidaa waxaa yiri John Steed, oo ah maamulaha Oceans beyond Piracy group.

“Kooxda waxay joogaan caawa Gaalkacyo. Waxay imaan doonaan Nairobi beri,” ayuu ku daray John Steed.

Waxa uu sheegay in ay hadda ku jiraan gacanta maamulka Galmudug ee bartamaha Soomaaliya, ayna ku wareejin doonaan duulimaadka insaanimada Qaramada Midoobay inta aysan dalkoodii dib ugu noqon.

John Steed ayaa sheegayn in mid kamid ah bad-maaxyada uu dhintay intii ay ku jireen afduubashada, kuwa la sii daayay ayaa waxaa ku jiray mid laga daaweeyay xabad qori oo lugta uga dhacday saddex kalena ay sonkorow qabaan.

Bad-maaxyada ayaa lagu hayay Dabagaale oo u dhow magaalada Xara-dheere oo 400-km dhanka waqooyiga-bari ka xigta caasimada Soomaaliya.

Xara-dheere ayaa noqotay meel caan ku ah saldhiga ugu weyn ee burcad-badeeda Soomaalida.

Oceans Beyond Piracy group ayaa sheegay in bad-maaxyada ay burcad-baeeda u wareejiyeen dhulka kadib markii uu dagay markabkoodii sanad kadib markii la afduubtay.

Ma cada in laga qaatay lacago madax furasho ah, kooxdan gacanta burcada ku jirtay mudada badan.

Burcad-badeedii xeebaha Soomaaliya ayaa hoos u dhacday saddexdii sanno ee u dambaysay iyadoo ay sababtay maraakiibta oo shaqaalaysiiyay shirkado amni oo gaar ah iyo joogitaanka maraakiibta caalamiga ah ee la dagaalanka burcad-badeeda, sidoo kale waxaa burcad-badeeda si weyn dhanka beriga ugala diriray gaar ahaan xeebaha Puntland ciidamada badda ee Puntland.

About Abdi Omar Bile 748 Articles
An online journalist and editor, with a decade of experience covering security and business issues, Puntland and entire Somalia.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*